Magaalada Hargaysa Markale Oo Goob Kaliya Laga Helay Lafaha Dad Lagu Xasuuqay Xiligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre.Daawo

0
Saturday May 21, 2016 - 22:58:41 in by salman abdi
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Hargaysa Markale Oo Goob Kaliya Laga Helay Lafaha Dad Lagu Xasuuqay Xiligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre.Daawo

    Qalfoofka Dad aan Tiradooda la aqoonsan, ayaa Maanta laga soo faqay gudaha dhisme burbursanaa oo ku yaalla Xaafadda Dumbuluq ee Magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalfoofka Dad aan Tiradooda la aqoonsan, ayaa Maanta laga soo faqay gudaha dhisme burbursanaa oo ku yaalla Xaafadda Dumbuluq ee Magaalada Hargeysa.



Dhismahan oo dhanka Koonfureed kaga beegan Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, ayaa Shaqaale doonayey inay dhisme ka bilaabaan ka soo foqeen Qalfoofka Dad Tiro ahaan ku dhow Hal Qoys oo ka koobnaa 7 illaa 8 Ruux, kuwaasi oo la helay iyagoo isku xidhan oo Xabaal wadareed ku wada aasan.

Alle ha u naxariistii Dadkan oo la rumaysan yahay inay ka mid yihiin Dadkii Reer Somaliland ee ay xasuuqday Dawladdii Siyaad Barre, ayaa waxa halkii laga soo saaray, sidoo kale laga soo foqay Dharkii ay xidhnaayeen oo sidoodii ah.

Ilaa hadda Xukuumadda Somaliland kama hadal Dadkan Qalfoofkoofa laga helay halkaasi, kuwaasi oo ku soo beegmaya Xilli Somaliland looga debaal-dagayo Xuska 25 Guurada Madax-bannaanida Somaliland.