Sideen Wax U Akhriyaa? WQ: cabdi qani yuusuf qaasim

0
Sunday May 22, 2016 - 10:42:16 in by salman abdi
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideen Wax U Akhriyaa? WQ: cabdi qani yuusuf qaasim

    Dad badan ayay dhib ku tahay inay wax akhriyaan ama buug kala furaan ama looga sheekeeyo faa'iidada wax akhriska sababtoo ah waxaanay garanayn ama aanay dareensanayn faa'iida ay ka helayaan wax akhriska .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayay dhib ku tahay inay wax akhriyaan ama buug kala furaan ama looga sheekeeyo faa'iidada wax akhriska sababtoo ah waxaanay garanayn ama aanay dareensanayn faa'iida ay ka helayaan wax akhriska .


Qarnigan aynu noolnahay ummaduhu siday u kala akhris badan yihiin ayay ugu kala horeeyaan xagga aqoonta iyo horumarka.

Ogow akhriste in aayadii ugu horaysay ee qur’aan ah ee soo dagta ahayd ,,wax akhri,, ilaahay nabi maxamed scw kumuu odhan i caabud , ama salaada tuko ,laakiin wuxuu ku bilaabay ,,akhri,, halkaas oo aynu ka garan karno faa’iidada balaadhan ee laga helayo wax akhrinta .

Muslimiintu markay wax akhrin jireenwaa markii ay dunida wax walba ku hogaaminayeen haday noqoto xagga diinta,caafimaadka iyo dhanwalba aqoonta muslimiinta ayaa hogaaminaysay.

Ogow jaamacadii ugu horaysay waxaa bilaabay muslimiinta sidoo kalena maktabadii ugu waynayd dunida waxay ahayd maktabadii baqdaad ku taalay ee la odhan jiray ,,baytul xikma,, ee ku taalay baqdaad taasoo sanadkii qarnigii 13aad ee miilaadiga ay burburiyeen tataarkii ama mangooliyiintii uu hogaaminayay hoolaako.

Muslimiintu akhriska waxay ka gaadheen heer nin qudha uu noqdo encyclopedia ama mowsica kaas oo wax walba la waydiiyo halka maanta aan la helayn qof takhasusaad badan leh.

Inbnu qayim al jawsi wuxuu yidhi isagoo maalin khudbaynaya ,, gacantaydaa waxaan ku qoray kun kitaab,,

 

Ummada soomaliyeed oo ah dad ku caan baxay akhris la,aan iyo inaany xushmayn aqoonta ayaa hadda fikirka noocaas ihi uu dhaxdeeda ku soo yaraanayaa sababtoo ah waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo wax qoraysa iyo buug badan oo la turjumay.
Gaar ahaan meelaha ay aqoontu xawliga ku socoto waxaa ka mid ah Hargeysa oo ay ka furanyihiin maktabado badan iyo ku dhawaad 20 jaamacadood .

Sideen akhriska u bilaabaa?

– ku bilow buugta yaryar ee aad xiisaynayso ama jeceshahay inaad akhrido.

– isku day inaad hesho qof kugu dhiirigaliya akhriska sida saaxiibkaa ama macalinkaaga.
-u samir ilaahayna talo saaro sababtoo ah qofku markuu akhriska bilaabayo dhibaato iyo caajis ayuu kala kulmaa.

– ka fogow dadka ku niyad jebinaya iskuna day inaad hesho asxaab akhriska jecel oo aad la wadaagto waxaad akhriday.

Maxaan ka faa’iidayaa wax akhriska?

-Aqoon kasta noocay doonto ha ahaatee albaabka laga galaa waa wax akhriska.
– Dunida oo dhan ayaad safar ku maraysaa adigoo gurigaada ama xafiiskaaga ama qolkaaga jooga.
– Waxaad si fudud ku helaysaa xikmadihii dadkii hore iyo kuwa hadda nool.

– waxaa balaadhanaysa aqoontaada iyo garashadaada waxaanad noqonaysaa qof ay dadku jecelyihiin inay dhagaystaan.

-waxaad ka badbaadaysaa xanuunka asaasaqa ee ku dhaca maskaxda .

-Waxaad noqonaysaa qof xor ah waxaanad ka gudbaysaa ,,hebel ayaa sidaa yidhi,, ama ,,sheekh hebel ayaan waxaa ka maqlay,, waxaanad noqonaysaa qof xor ah fikir ahaan .

Gabagabo

Aniga oo aan halkan kusoo koobi karin faa’iidada balaadhan ee akhriska kaas ay ina farayso diinteena islaamku ayaa ay inahaasi noqon doonaan 1% ka mid ah faa’iidada akhriska .




WQ: cabdi qani yuusuf qaasim