Wasiir Ka Tirsan Dalka Brazil Oo Isku Casilay Sirar Laga Duubay Oo Lagu Dabacay Warbaahinta.

0
Tuesday May 24, 2016 - 09:08:00 in by Super Admin
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Dalka Brazil Oo Isku Casilay Sirar Laga Duubay Oo Lagu Dabacay Warbaahinta.

    Wasiir muhiim ah oo ka tirsan dowladda Madaxweynaha cusub ee ku meelgaarka ah ee Brazil, Michel Temer, ayaa is casilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir muhiim ah oo ka tirsan dowladda Madaxweynaha cusub ee ku meelgaarka ah ee Brazil, Michel Temer, ayaa is casilay.



Wasiirka waxaa ku yimid cadaadis kaddib markii wargeys maxali ah lagu daabacay codad la duubay.

Codadku waxa ay u muuqdaan kuwo laga duubay Rumero Juca, oo ah wasiir ka agdhaw madaxweyne Michel Temer.

Warka la duubay ayaa muujinaya wasiirkan oo u sheegaya madaxa shirkadda weyn ee shidaalka ee Petrobras ay dowladdu leedahay in xil ka qaadista madaxweynihii hore ee shaqada laga joojiyay ee Dilma Rousseff ay suuragelin doonto in la joojiyo baaritaan ballaaran ku socday.

Madaxweynihii hore ee shaqada laga joojiyay ee Dilma Rousseff ayaa sheegtay in cadkani la helay uu muujinaya in ololaha lagu riday uu ahaa afgembi lagu doonayay in lagu badbaadiyo madax loo haysto dacwado musuqmaasuq.