Faah Faahinta Heshiiska Uu Zlatan Ibrahimovic Ugu Biiri Doono Mancehster United Isaga Oo Ay Markale Midoobi Doona Jose Mourinho

0
Wednesday May 25, 2016 - 08:00:33 in by Burco Office
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahinta Heshiiska Uu Zlatan Ibrahimovic Ugu Biiri Doono Mancehster United Isaga Oo Ay Markale Midoobi Doona Jose Mourinho

    Manchester United ayaa qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo heshiiska uu Jose Mourinho kula wareegi doono kooxdeeda, waxaana wali socoda wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo heshiiska uu Jose Mourinho kula wareegi doono kooxdeeda, waxaana wali socoda wada

hadalo laba geesood ah oo u dhexeeya wakiilka Mourinho iyo dhigooda Manchester United, waxaana la fahansan yahay in uu dhamaad yahay heshiiska uu Mourinho kula wareegi doono Old Traffrod.

Laakiin sidoo kale Manchester United ayaa heshiis qaali ah Old Traffrod ku keeni doontaZlatan Ibrahimovic inkasta oo ayna wax lacag ah ka bixin doonin la soo wareegistiisa wuxuuna si xor ah ugu soo biiri kara Manchester United maadaamo oo uu heshiiskiisaParis Saint-Germain uu dhacayo bisha June.Ibra

Ibrahimovic oo 34 sano jir ah ayaa Manchester United ugu soo biiraya heshiis hal sano ah oo uu doorasho u haysto sanad labaad basle hadii uu sanadka labaad joogi waayo waxa uu heli doonaa lacag magdhaw ah.Jose Mourinho iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa hore si fiican uga soo wada shaqeeyay kooxda Inter Milan, basle waxay markale ku midoobayaan Old Traffrod sida wararka saxaafada Ingiriisku ay cadaysay.

 

Jose Mourinho and Zlatan Ibrahimovic worked together at Inter Milan
Sida lagu lagu sheegay faah faahinta heshiiskaZlatan Ibrahimovic uu ugu soo biiri doono Manchester United, waxa uu todobaadkii qaadan doonaa 250,000 kun oo pound oo ah sanadka hore laakiin haddii uu sanadka labaad sii joogi waayo waxaa la siin doonaa 8 milyan oo pound. Taas oo la micno ah haddii uu Ibra joogo Old Traffrod muddo hal xili ciyaareed ah in uu todobaadkii qaadan doono 404,000 kun oo pound.
Ibrahimovic has reportedly been offered an eye-watering £400k-a-week at Old Trafford

Zlatan Ibrahimovic ayaa hore uga soo ciyaaray kooxaha Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona, AC Milan iyo PSG oo ka dhisan horyaalada ugu waa wayn Yurub wuxuuna markale heli doonaa fursad uu ku tijaabiyo Premier Leaque-ga. Mourinho iyo Ibra ayaa Inter Milan ka soo wada shaqeeyay 2008 iyo 2009 waxayna ku wada guulaysteen koobka Serie A-da iyo Italian Super Cupka. Ibra ayaa PSG kula soo guulaystay koobab maxaliga ah inkasta oo aanu wali ku guulasytay koobka Champions Leaque-ga.Ibra won the French title in his last season at Paris Saint-GermainIbra and Mourinho came face-to-face when the striker left for Barcelona in the Champions League