Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Beeraha Somaliland Oo Ka Hadlay Sida ay U Caawin Donaan Beeraylada Ay Samaysay Abaartu.

0
Thursday May 26, 2016 - 07:58:35 in by salman abdi
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Beeraha Somaliland Oo Ka Hadlay Sida ay U Caawin Donaan Beeraylada Ay Samaysay Abaartu.

    Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilawday mashaariic lagu caawinayo dadka beeralayda ah ee ay saamaynta ku yeelatay abaartii dalka ka dhacday, gaar ahaana goboladda beeralayda ah. Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha C/laahi Ismaaciil Faa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilawday mashaariic lagu caawinayo dadka beeralayda ah ee ay saamaynta ku yeelatay abaartii dalka ka dhacday, gaar ahaana goboladda beeralayda ah. Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax, ayaa sheegay in dhaqaalaha dadkaasi beeraleyda beeraha loogu qodayo ay ka kala heleen hay'adda qaramadda midoobay u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FAO iyo sidoo kale lacag ay ka heleen gudidda abaaraha Somaliland. C/laahi Ismaaciil faarax, waxa kale oo uu tilmaamay in barnaamijkaasi beeralayda lagu caawinayo qaybtii hore oo ay bixisay hay'adda FAO inuu dhamaaday loona kala qaybiyay goboladda Togdheer, Awdal, Gabiley iyo Maroodi Jeex.Sidoo kalena qaybtan labaad ee ah lacagta ay soo gaadhsiiyeen gudiga abaaraha Somaliland iyadna loo qaybin doono goboladda dalka, isla markaana ay kormeero ku samayn doonaan wasaaradda beeraha iyo gudgaasi sida hawshu u dhacdo.


Waxaanu yidhi "Hore waxaanu u qodnay oo imika gacanta lagu hayaa, badhna la dhamaystiray 7900 qoys oo hay’adda cuntadda aduunka ee FAO iiyo wasaaradda beeraha Somaliland ay iska kaashadeen, oo la qoday. Waxaanay u qaybsan yihiin 3000 laga qoday Awdal, 2000 laga qoday Gabiley, 1900 oo laga qoday Maroodi Jeex, 300 qoys oo laga qoday Sheekh, 300 laga qoday degmadda Burco iyo 350 laga qoday Oodweyne”.

"Waxa kale oo aanu maanta kala dirnay, lacag laga helay gudiga abaaraha heer qaran ee Somaliland, waxay gobolka Awdal 50,000 dollar si beeralayda beeraha loogu qodo, waxa kale oo Gabiley la siiyay 150,000 dollar, Maroodi Jeexna 6000 saacadood ayay ka qodayaan. Waxaanu rejaynaynaa, oo sida gudiga abaaruhu noo sheegeen ay lacag u hayaan, gobolka Sanaag, oo aanu nidhi iyagu wakhtigan kuma haboona wakhtigii la qodayay, balse xilliga deyrta ha loogu dhigo”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha oo shalay u waramayay BBC.

Agaasimaha guud waxa uu ka waramay sida loo maamulayo mashruucani iyo sida ay u kala xulaynayaan dadka loo qodayo beeraha. Waxaanu yidhi "waxaanu ku soo xulaynaynaa, oo marka hore wasaaradda beeruhu ku soo xushay beeralayda cida ugu liidata in tuullo waliba ay iska soo xusho.Marka hore waxaanu helaynaa magacyadda qoysaska markaa ka dib waxaanu helaynaa magaca cagafta qodaysa, markaas ayaa loo ogolaanayaa inay qodo, marka ay cagaftu soo dhamaysana xawaalad ayay foojar lacagta kaga qaadanaysaa.

Wasaaradda beeraha iyo hay’adda FAO ayaa wada maamulayay ta hore. lacagta ay gudidda abaaraha Somaliland bixisayna wasaaradda beeraha iyo gudidda abaaraha ayaa wada kormeeraya, oo u qaybinaya inay hawshu sideedii u qabsoontay iyo in kale”.