Muuse Biixi oo Sheegay Reer Boorama Inay Somaliland ku Noqdeen Warqad SNM u Dirtay

0
Friday May 27, 2016 - 13:46:23 in by salman abdi
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Sheegay Reer Boorama Inay Somaliland ku Noqdeen Warqad SNM u Dirtay

    "..1991-kii Ururkii SNM waxa uu Warqad u qoray Gobolka Awdal oo Ciidankoodu naga soo Horjeeday" "..1991-kii Ururkii SNM waxa uu Warqad u qoray Gobolka Awdal oo Ciidankoodu naga soo Horjeeday" Guddoomiye Muuse Biix

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..1991-kii Ururkii SNM waxa uu Warqad u qoray Gobolka Awdal oo Ciidankoodu naga soo Horjeeday" "..1991-kii Ururkii SNM waxa uu Warqad u qoray Gobolka Awdal oo Ciidankoodu naga soo Horjeeday" Guddoomiye Muuse Biixi

"..Kuuma Diidani 18-ka May inay tahay Maalin aad Guul Tirsanayso, balse Maalin aad cid kale Guuldaro ku Badday, adiga Laftaadu waa inaad Qirtaa (Muusow)..”

 

Proff Obsiiye

 

Dilla(Yool)-Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay Ururkii SNM markii uu gacanta ku dhigay badi gobollada Waqooyi 1991-kii inuu Warqad u diray bulshada ku dhaqan Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama, kaddibna dadka deegaankaasi go’aankii Warqaddaas ay ka qaateen kaga mid noqdeen Jamhuuriyadda Somaliland. Isagoo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi; "..Waxan maqlaayey maalmahan (Medai) Saxaafadda oo leh 18-ka May looma dhammayn, waxa nool maanta dakii aas-aaskeeda kasoo qaybqaatay oo uu kamid yahay Sheekh Cabdilahi Cali Jawhar. Markii Dagaaladdu dhaceen Ciidankii SNM waxa uu Warqad usoo qoray (Ambiil) Gobolka Awdal oo Ciidankoodu naga soo horjeeday, waxanay odhaneysay Warqaddu, ‘.waxanu dooneynaa inaynu Isku nimaadno’. Warqaddii qoraalka ahayd oo summadii SNM leh, anagana naga wakiil ahayd waxa imika haya  Sheekh Cabdilahi Cali Jawhar. Intaa kaddib Huteel Harowo ee magaalada Boorama, waxa ku kulmay 150 oday oo kamid ah Qoor-weyntii Awdal. Waxay yidhahdeen Warqada la inoo soo diray nabad ayeynu ku qaabilnay oo dadkeena ayaynu dhiseynaa, hadday iyagu (SNM) Warqad soo qoreen, inaggu (reer Boorama) socod ayeynu ugu tageynaa..”.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka jeediyey Degmada Dilla, halkaasoo Salaasaddii Todobaadkan uu kaga qaybgalay Xaflad sagootis ah oo Dugsiga sare ee Sheekh Cumar Good u sameeyey 36 Arday oo sannaadkan ka baxay, ayaa dhaliyey doodo xambaarsan dareen cadho leh oo ku wajahan siiqadda ama luuqadda Gudoomiyuhu ku xusay dhacdada sida uu sheegay reer Boorama kaga mid noqdeen Qarnka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo sida ku cad hadalkiisa ku timi farriin qoraal ah oo Ururkii SNM u diray 1991-kii, xilligaasoo Ururka SNM gacanta ku dhigay badi magaalooyinka Somaliland, oo markii hore gacanta ugu jiray Ciidamada Taliskii Maxamed Siyad Barre.

Waxa kaloo Muuse Biixi Khudbada uu ka jeediyey Degmada Dilla ku sheegay Warqadda Ururka SNM xilligaa usoo diray reer Boorama inay kulanka yeesheen badi duqayda reer Boorama ee xilliga joogay, halkaana ay ku ajiibeen farriintii Ururka SNM, sidana ku qaateen nabad iyo kamid noqoshadda Somaliland.

Haddaba, khudbada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxa ka biyo diiday qaar kamid ah, aqoonyahanka, waxgaraadka iyo Odayaasha reer Boorama, oo soo hadal qaadka hadalka arrinka iyaggu ku tilmaamay mid Mujaahidku ka lahaa ujeeddo durugsan, khaasatan marka loo eeggo goobta iyo munaasibadda hadalka uu ka jeediyey oo ah laba kala durugsan, sababtoo ah Xaflada waxa lahaa oo loo qabtay Arday soo dhameystay Waxbarashaddii Dugsiga sare, oo sida caqliga sami ina farayo ay ahayd in damaashadka iyo farxada Ardaydu ku jirto laala  qaybsado, sidoo kalena dhegahooda la maqashiiyo wax wanaagsan oo yididiilo u leh Mustaqbalkooda.

Aqoonyahan Maxamed Cabdilahi Xaaji Obsiiye oo kamid ah Qoor-weynta ehellu Cilmiga ah ee reer Awdal oo ka dareen celiyey hadalkii Gudoomiye Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay weedhihiisu inay ahaayeen kuwo ujeedadoodu olole ku salleysnayd, isla markaana aan wax xidhiidh ah la lahayn ujeedada xafladdu ku taxaluqday. Ugu horeyn isagoo arrinka ka hadlaya Proff Obsiiye, waxa uu yidhi; "..Waxay ahayd xaflad sagootin ah oo Ardaybaa qalin qabisay, haba-yaraatee, Muuse wuxuu Ardayda qalin-bajisay ka yidhi, oon ka ahayn waanu u mahad-naqaynaa Ardayda qalin-jabisay waalidkii kusoo tabcay laakiin ma jirin, wuxu uu taray oo kale, hase-ahaatee waxay u badnayd Khudbadiisu Kaambeyn iyo olole Siyaasadeed oo weliba aad iyo aad u xanuun badnayd, oo ku saabsan xasuusin wixii ay ka geysteen Muuse iyo Jabhaddiisi Magaaladda Dilla, oo raadkeedi ka muuqdo markuu hadlaayey Guryihii kasoo hor-jeeday, ee wajigiisu qabanaayo, oo uu garanaayo waqtigii ay dummeen, dadkii ku dhintay iyo ummaddii ka qaxdayna wuu garanayaa. In badan-baan dhegaha ka fureystay dadkan dhegaha adag ee aan u jeedin in wax la wada-yeesho, oo iyagu isku qaba Hay’adihii Dawladda oo dhan…”.

Waxa kaloo, Proff Obsiiye is dul taagay Warqada Muj. Muuse Biixi uu xusay in Ururkii SNM u1991-kii markii uu gacanta ku dhigay badi gobollada Somaliland inuu u diray dadka ku dhaqan Boorama, oo xilliga sida Gudoomiye Muuse Biixi Sheegay lahaa Ciidamo kasoo  hor-jeeday Ururkii SNM, waxa uu yidhi; ".. Sida Muuse Biixi is-yidhi ku qurxiso (Hadalka) Warqad baanu u qornayd gobolka Awdal baryootan ah ama codsi, oo aanu kaga dalbanayno inaanu Heshiino maadaama oo ay naga soo hor-jeeden. Markhaatiga arrinka iyo warqada-na uu ku shaambadeeyey Sheekhul beleedka.

Su’aashu waxay tahay Muusoow dadka reer Dilla iyo gobolka guud ahaanba dadkii ku dhegeysanaayey, wixii 04/02/1991-ka dhacay ee aad adigu hoggaanka ka ahayd ummadda oo dhami wayka dheregsan tahay, ma waxaad leedahay Warqada aad qortay Guryaha iyada dumisay, oo lixdankii kun ee Aw barre iyo Itoobiya galay iyada ayaa qaxisay. Wax walba waxay ku qurux badan yihiin in la dhawro oo wixii dhib leh afka laga ilaaliyo”.

Dhanka kale, Proff mar uu ka hadlaayey wax wadalahaanshaha bulshada ku dhaqan Somaliland iyo xusaska maalmaha Qaranka, waxa uu yidhi; "..Waa run oo waxaynu nahay dad reer Somaliland ah oo ilahay meel ku wada beeray, oo waynu is dhalnay weligeena kala tagi mayno, laakiin Wanaag aad dhigay ama aad waddo weli meesha kama muuqdaan, weliba adigoo quud-daraynaaya inaad dalkan Somaliland Madaxweyne ka noqoto, waxa kuu fiicnayd aniguna kugula talinayaa inaad dadka xanuunkii soo maray dareen-siiso. 18-ka May ee aad ku hadaaqayso oo dadka qaarna taagan yahay caryaa ka hadli karaa sida Boobe oo kale. Waa laga hadli karaa oo 18-ka May lama wada-laha oo SNM ayaa leh, waxa aniga ila haboon inaad dadka ilowsiisid xanuunkii soo maray oo meel iskugu keento, oo walaaleyso, waxna la wada yeesho, taas ayaa madaxweynenimada haysa”.

Proff Obsiiye waxa uu carabka ku dhuftay Warqada SNM u dirtay iyo sheekhul beleedka uu Muuse Biixi xusay inuu hayo Warqaddii waqtigaa, isagoo arrimahan ka hadlaya waxa, hadalladiisi kamid ah; "…Horta (Muusow) Sheekhul Beleedka magaciisaba sax umaad sheegin oo waxaad tidhi Cabdilahi Cali Jawhar, hase-yeeshee Warqada aad u keentay dadka reer Awdal Maanta cid taqaana iyo cid ka war-haysaa midna ma jiro, balse waxaan arrintaa kula noqonayaa Sheekh Cabdilahi, laakiin 18-ka May kuma diidani inay tahay maalin aad guul tirsanayso, balse maalin aad cid kale guuldaro ku badday oo xanuun gaadhsiisay, adiga laftaadu waa inaad qirtaa, waana inaad raali gelin ka bixisaa oo googol fidisaa, oo 26-jun oo ah maalin la wada leeyahay qirtaa”. Ayuu yidhi.


Xigasho wargeeska  Yool