Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Eedo Kulul Dusha Uga Tuuray Deeq Bixiyashada Caalamka

0
Saturday May 28, 2016 - 07:32:22 in by salman abdi
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Eedo Kulul Dusha Uga Tuuray Deeq Bixiyashada Caalamka

    Shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay Istanbul ayaa xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon wuxuu ka sheegay in dhaqaalihii deeqbixiyeyaashu uu aad u kordhay balse naxariistoodu hoos iminka ay u dhacday xilli weliba dhibaatooyinka baniaadminimo caalamka oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay Istanbul ayaa xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon wuxuu ka sheegay in dhaqaalihii deeqbixiyeyaashu uu aad u kordhay balse naxariistoodu hoos iminka ay u dhacday xilli weliba dhibaatooyinka baniaadminimo caalamka oo idil ay kordheen oo dalal badan sida Suuriya iyo Ciraaq ay qaxooti badan kasoo qulqulayaan ayagoo kusii jeeda wadamada qaniga ah ee qaarada Yurub.


Gargaarka ayaa hoos u dhacay caalamka oo idil ayadoo gaar ahaan gargaarkii soo gaari jiray dunida saddexaad labo daraadle Geeska Afrika uu aad hoos ugu dhacay.

Deeqda gargaar ee lasiiyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacday qeyb walba oo nolosha ah ayadoo haatan isbitaalo iyo iskoolo badan qeybo badan oo Soomaaliya ah albaabada laisugu dhuftay maadaama macalimiintii iyo dhaqaatiirtii qarash lasiiiyo la waayay oo ay isaga huleeleen!

Sidoo kale dawooyinka oo kuyar isbitaalada iyo agabka oo kuyar guud ahaan isbitaalada iyo iskoolada ayaa xiritaankaas u sabab ah.

Heerka deeqda la siiyo caafimaadka Soomaaliya ayaa gaarsiisnaa 8% oo qura sanadkii tagay ee 2015 sanadkaana inta laga arkay hoos ayuu usii socdaa heerkaasi!

Dalkeena Soomaaliya adkaysiga bulshooyinku u leeyihiin musiibooyinka waa mid liita. Hayadaha ayaa mashaariic yaryar oo la leeyahay adkeysi dhisid weeye waxay ka hirgaliyaan meelo dhif dhif ah.

Si kastaba ha ahaatee, adkeysi dhisid (waa waxa loo yaqaanoresilienceluuqada Ingiriisiga)waxay u baahan tahay mashaariic waaweyn kuwaasoo mira dhal noqda si dabadeed bulshooyinka noloshooda loo horumariyo oo loo gaarsiiyo heerar ka sareeya heerka faqriga (poverty level) ugu yaraan si hadii musiibooyin dhacaan aysan ugu baabi'in ee ay durba uga soo kabtaan.

Dawlada Soomaaliya guddiga u qaabilsan adkeysi dhisida (Somalia's resilience focal point) ma helo cawimaad ku filan oo kasocota beesha caalamka.

Hadaba waxaa is weydiin mudan hadii Soomaaliya oo ah dal dagaal sokeeye uu kasocday 25kii sano ee ugu dambeeyay aysan beesha caalamku caawin, yaa caawin kara?

Gaargaarka bani'aadminimo maahan qasab oo Soomaalidu waxay mudan yihiin inay isku tashadaan balse hadiiba laga hadlaayo gargaar baniaadminimo oo Soomaaliya ay tahay in lasiiyo waxaa hubaal ah in wax badan ay ka kala daadsan yihiin gargaarka baniaadminimo ee haatan Soomaaliya lasiiyo.