"Ogolaan Mayno In Madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle Laga Aflagadeeyo, Facebook-ga iyo Telefeeshinada".Wakiilka Jabuuti Ee Hargaysa

0
Saturday May 28, 2016 - 14:08:55 in by salman abdi
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ogolaan Mayno In Madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle Laga Aflagadeeyo, Facebook-ga iyo Telefeeshinada".Wakiilka Jabuuti Ee Hargaysa

    Dawladda Wadanka Jabbuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay xidhiidhka ka dhexeeya dalkeeda iyo wadankan Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Wadanka Jabbuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay xidhiidhka ka dhexeeya dalkeeda iyo wadankan Somaliland.


Safiirka Dawlada Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa markii u horeysay ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti xili mudooyinkii u danbeyey ay dood ka taagnayd hab maamuuskii loo qaabiley madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo markii uu ka qayb galayay xafladii caleemo saarka madaxweyne Geele horaantii bishan. Ambassador Xuseen Cumar Kawaaliye oo u warramay laanta afka soomaaliga ee idaacadda codka maraykanka ee VOA-da, waxaa uu sheegay in aanay dawlad ahaan ogolayn in la aflagaadeeyo madaxweynihiisa isla markaana ay arintan ka wada haldeen wasaarada arimaha dibada Somaliland.

Xusen Cumar oo ka hadlaya Xidhiidhka Somaliland iyo jabuuti waxa uu yidhi "Somaliland waa Dad walaalahayo ah, waa Dad aanu isku diin iyo dhaqan nahay oo aan marna kala marmayn, marka Madaxweynaha Somaliland markii uu tagay waddanka Jabuuti si fiican oo la mid ah Sidii Madaxweynayaasha kale ayaanu u soo dhaweynay, waliba waxaanu Xushmad gaar ah siinay Madaxweynaha Somaliland”.

"laakiin Nasiib xumo waxa dhacday in qaar ka mid ah dadka Somaliland ay madaxweynahayga ay aflagaado u geystan, laakiin waxan leeyahay wixii khalad ah ee yimadaa Dublamaasiyad ayaa lagu xaliyaa, ma ogolin in madaxweynahay laga aflagaadeyo Telefeshinada iyo Facebookyada waayo waxa uu huwan yahay sharaftii qarankayaga iyo shacabka reer jabuuti, anaguba ma ogolin in Madaxweynaha Somaliland iyo ooridiisa la aflagaadeyo damiirkayguna nama siin karayo”Ayuu yidhi Ambassor Xusen.

Safiirka ayaa la waydiiyey in arrintaasi cid xukumada Somaliland ka tirsan uu kala hadlay waxanu yidhi. "Wasiirka Arrimaha Dibada ayaanu ka wadahadalnay waxanu isla qaadanay in wixii jiraba hab dublamaasiyadeed ku dhameyno, waxanau wasiirku noo sheegay in ay ka xun yihiin waxaasi dhacay”

Safiirka Jabuuti u fadhiya Hargeysa waxa kale oo wax laga waydiiyey sida ay dalka Jabuuti u aragto Heshiiska Somaliland iyo Shirkada DP World dhex maray waxaanu sheegay in dawladiisu waxa carqalad ah ku hayn heshiiskasi, isla markana Somaliland ciday horumarkeeda kala heshiinayso aanay iyaga khusay.