Jack Wilshere Oo Si Layaab Leh Usoo Galay Liiska Xidigaha Uu Pep Guardiola Doonayo Inuu Ku Xoojiyo Manchester City

0
Saturday June 04, 2016 - 09:52:48 in by Burco Office
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jack Wilshere Oo Si Layaab Leh Usoo Galay Liiska Xidigaha Uu Pep Guardiola Doonayo Inuu Ku Xoojiyo Manchester City

    Macalinka la wareegi doona xilka Manchester City Pep Guardiola ayaa sii bilaabay dib u dhiska khadka dhexe ee kooxdiisa kadib markii uu 21 Malyan Oo Pound kula soo saxiixday kubad sameeyahii Borrusia Dortmund Ilky Gundogan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka la wareegi doona xilka Manchester City Pep Guardiola ayaa sii bilaabay dib u dhiska khadka dhexe ee kooxdiisa kadib markii uu 21 Malyan Oo Pound kula soo saxiixday kubad sameeyahii Borrusia Dortmund Ilky Gundogan.

Balse markaan wuxuu doonayaa inuu soo xareysto kubad sameeyaha reer England ee Jack Wilshere kaas oo ay dhaawacyo diloodeen sanadahii ugu dambeeyay wuxuuna noqon doonaa xidiga afaraad ee u dhashay England kaas oo safka City ku jiri doona kadib Hart, Sterling iyo Delph.

24-jirkaan heerka caalami ayaa ka mid ah dhalinta ugu kubadda qurxoon sidoo kalana la qabsan kara falsafadda Tiki-taka oo uu macalinkaan reer Spain caanka ku yahay, balse xagaagii dhamaaday kaliya 1-kulan ayuu kusoo bilowday taasoo cadeyneysa inuu xagaagii oo dhan dhaawac ku qaatay.

Heshiiska uu Jack Wilshere kula jiro Arsenal waxaa kaga haray 2-sanadood, Pep Guardiola ayaana ayaana durba sii og inuu la kulmi doono xifaaltan culus wuxuuna sii aruursanayaa hub aan caadi aheyn.

Ugu dambeyntiina xeerka UEFA ayaa ah in horyaal walba kooxahiisa ay yeelan karaan ugu badnaan ajnabi gaaray 17-ciyaariyahan marka lasoo hadal qaado 25-ka xidig ee liiska rasmiga ah ugu jira.



Xarunta War Qabadka Afkashacabka.com