Taliye Fadal: Halyeey qaran oo u soo baxay Ciidanka Booliska JSL W/Q

0
Thursday June 09, 2016 - 13:41:39 in by Burco Office
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Fadal: Halyeey qaran oo u soo baxay Ciidanka Booliska JSL W/Q

    Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ee haatan talada haya Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal waxa uu ciidanka booliska Somaliland ku hogaamiyay guulo iyo horumar aanu ciidanku gaadhin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ee haatan talada haya Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal waxa uu ciidanka booliska Somaliland ku hogaamiyay guulo iyo horumar aanu ciidanku gaadhin
intii uu jiray. Dhinac kasta oo laga eegaba ciidanka booliska waxa kaga yimid isbadal la taaban karo, haday noqoto tayaynta ciidanka sida tababrada iyo qalabaynta qaybaha kala duwan ee

ciidanka Booliska. Waxa uu ka dhigay ciidanka booliska qaar awood u leh fashilinta fal kasta oo amni darro oo dalka ka dhaca. Waxa uu isbadal wayni ku yimid xidhiidhkii ka dhexeeyay

booliska iyo dadwaynaha kadib markii ciidanka la siiyay tababaro ku saabsan xidhiidhka dadwaynaha iyo sida ay muhiim u tahay in wadashaqayni ay dhexmarto ciidanka iyo

dadwaynaha. Waxa meesha ka baxday qof intuu dambi galo hadana baxsada ama ku dhex dhuunta dadwaynaha.

Waxa marba marka ka dambaysa uu sii xoojinayay tayada ciidanka booliiska haday tahay xaga aqoonta guud, xirfadaha gaarka ah iyo gaadiidkaba. Ciidanka boolisku waxa uu hantay amniga

guudee dalka mana jiraan wax nabadgelyo daro ah oo maanta dalka ka jira. Waxyaabaha uu ciidanka taliye fadal ku soo kordiyay waxa ka mid ah Qalabka ka hortaga rabshadaha oo sahlaya

in laga hortago rabshadaha sida mudaharaadada iyo rabshadaha kale. Waxa uu qalabkani sahlayaa in laga hortago rabshadaha iyadoonu wax dhiig ahi ku daadan. Waxa isbadal wayni ku

yimid dhismeyaasha saldhigyada ciidanka booliiska iyo xarumaha kale ee booliiska sida xarunta dambi-baadhista CID-da. Ciidanka booliska Somaliland waxa uu gaadhay meelo badan oo aanu

marka hore ka shaqayn jirin sida gobalka Xaysimo iyo degmooyinka hoos yimaada. Arimahaugu muhiimsan ee taliye Fadal lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah inuu ciidanka la wareegay

xili ciidanku aanu lahayn wax darajo iyo kala sarayn ah, maantana uu ciidankeenu leeyahay haybadii ciidannimo iyo kalasarayntii, meeqaamkii iyo amar kala qaadashadii ciidanku. Waxa uu

soo kordhiyay ciidanka dabdamiska oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan kuwaasoo xaruntoodii iyo qalabkoodiiba u dhanyahay shaqeeyana.

Ciidanka boolisku waa saaxiibka koobaad ee dadweynaha hadii ay wada shaqeeyaan booliska  iyo dadka rayidka ahi waxa hubaal ah in si dhibyar looga hortagayo cadaw kasta oo dalka soo

gala. Waa in aynu fahanaa sababta ciidankan loo aasaasay iyo muhiimad uu inoogu fadhiyo. Guul ayaan u rajaynayaa halyeeyada ciidanka booliska Somaliland iyo taliskooda.

Wa Bi Laahi Tawfiiq

W/Q: Jimcale M Xamari

xamari2022@gmail.com