Inay Dulmi Qabaan Dushooday Ka Muuqata W/Q: Weriye Cabdi Tiriike

0
Friday June 17, 2016 - 17:08:11 in by salman abdi
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inay Dulmi Qabaan Dushooday Ka Muuqata W/Q: Weriye Cabdi Tiriike

    Akhriste,Dhamaan Inta Nasiib U Heshay Inay a khristaan Qoraalkan Aan Ku Dareen Celiyay Diifta Iyo Dar Xumada Ka Muuqata Walaaleheena inagula Nool Dalkeena Hooyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriste,Dhamaan Inta Nasiib U Heshay Inay a khristaan Qoraalkan Aan Ku Dareen Celiyay Diifta Iyo Dar Xumada Ka Muuqata Walaaleheena inagula Nool Dalkeena Hooyo,
Iyo Debadiisaba, Waxaan Idinku Salaamaya Salaanta Ducada Ah Ee Islaamka Asc,Maanta Waxaan Doonayaa In Aan Qalinkayga Ku Xuso,Oo Aan Fekerkayga Ku Hoga Tusaaleeyo,Lana Wadaago Bulshadeena Ka Dhacsan,Dadkooda Ay Ka Muuqato Dayaca Diifta Iyo Darxumada,Ee Aan Helin Wax Daryeel Ah,Muuqatana Inaan Wax Dan Ah Laga Lahayn,Laguna Baraarugsanayn

 

Inkasta Oo Ilaahay Inagu Galaday Waxa Aduunka Iyo Aakhiraba Ugu Anfaca Badan Oo Ah Diinta Islaamka,Waxaa Mudan In Aynu Ugu Mahad Naqno,Maanta Waxa Aan Doonaya Inaan In Yar Ka Oo Kooban Ka Idhaahdo,Walaalaheena Aan Haysan Wax Taakulo Ah Oo Ay Ku Maareeyaan Nafahooda Iyo Dunuuftooda Ee Inagula Nool Guryaheena,

 

Guryaheena Marka Aan Leeyahay Waxaan Uga Jeeda Inagu Ag Nool Hadana Aynaan Dareen Sanayn, Waxaan Idiin Soo Gudbin Doona Sheekooyin Qiiro Badan Oo La Soo Deristay Dadka Alle Ka Dhigay Dabaqada Hoose Ee Nolosha ,Ilaahay Waxbana Uma Waayine Inagana Laynagu Eegaayo,Waxaa Jira Dad Soomali Ah Oo Aynu Ugu Yeedhno Dadka Dan Yarta Ah,

Dadkaas Dhab Ahaan Waxaa Haysata Dunuuf Adag Oo Aan La Qiyaasi Karin,Oo Hadii Lagu Bedelo Dadka Wax Haysta,Mid Waliba Oohin Iyo Baroor Qabsan Lahaa,Gelina Aan Ku Noolaadeen,Nolosha Ay Ku Jiraan,Balse Hadana Iyaga Oo Ku Jira Waxa Aanad U Adkaysan Karin,Way Ku Iimaan Qabaan,Balse Waxa Haysta Dayac Aanad Qiyaasi Karin Hadii Aad Dul Tagna Aad Noloshaada Ilaawaysid Markiibana Aad Ka Arkayso Dushooda
 
DHACDO MURUUGO LEH

Wakhtiga Lagu Jiraa,Waa Xili Roobaad,Waa Xili Ay Curanayaan Roobab,Aad U Xoog Badan,Daruurta Heegada,Ee Xanbaarsan Biyaha Butaaca,Waa Mid Dul Weehanaysa,Hawada Sare Mana Arkaysid Daruur,Meel Fadhida Balse Cirku Waxa Uu Isku Wada Bedelay,Jawi Aan La Qiyaasi Karin,Ma Muuqdo Cirku Waxaa Qariyay,Daruurta Soconaysa Ee Marba Meel U Guuraysa,Oo Wada Ta Biyaha,Roobka


Dadku Waxa Ay Macaan Sanayaan Jawiga Lagu Jiro,Oo Ah Mid Qabaw Oo SAXAN SAXO Udgoon Saaqday Dhamaan Dadka ,Balse Waxaa Jira Dad Aanay Iyaga Ku Hasyo Wer Wer,Aanad Qiyaasi Karayn,Roobkan Soo Muuqanaaya,Ee La Saadaalinaayo


Magaaloyinka Waawen,Koonahooda Waxaa Degan,Dad Aan Lahayn Iyagu Wax Guryo Ah,Oo Ay Ka Galaan,Roobabka Da,aaya Iyo Bacadka,Waxaa Intaa U Sii Dheer Inay Qaar Kood Yihiin Maqada,Ma Dhergaan

Waxaa Ka Mida Hooyo,Da,ah,Oo Aan Haysan Cid U Adeegta,Iyaduna,Socod Iyo Itaal Kuma Jiro,Ma Ay Dhalin Wax Ubad Ah,Mararka Qaar Waxaa U Yimaada Dumar Ay Eedo,U Tahay Oo Todobaad Markay Jogaan,Maalin Ka War Hela Balse Aan Waxba Ku Tarin

Sida Ay Cunto Ay Isku Diiraso U Karsata Way Adag Tahay,Waxay Ku Jirtaa,Oo U Hoyata,Laba Geed Oo Garan Waaya,Dhexdood,Oo Ay Ku Dadaalimaysay,Maryo Ay Isku Xidh,Xidhay,Waxaa Inta Badan Cunto,Iyo Shaah U Keena Dadka Aan Waxba Dhaamin,Ee Ay U Wada Hoydaan,Duleedka Magaalada,Mararka Qaar Waxaa Dhacda Inay Ilaawan,Oo Ay Saa Ku Qado,Mana Shaqo Tagi Karto,Oo Teediiba Cuslaysay,

Waxaa Soo Da,aaya Roobab,Ma Hayso Meelay Ka Gasho,Balse Waxay Ku Qanacsan Tahay Hadii Uu Roobku Soo Da,o,Inaanay Jirin Meel Ay Ka Jirsato Oo Uga Cararta,Maadama Aanay Haysan Dad Wax Tara Oo Ay La Nooshay Ama Wax Ugu Filan Waxaa Intaa Sii Dheer Xeredan Ay Ku Jiraan ,Malaha Biyo Iyo Xarun Caafimaad Toona Waa Meel Lagu Soo Maxbuusay

Waxay Ku Jirtaa,Bil Ramadaan Oo Ah,Bilihii Lays Kaalmayn Jiray,Oo Layska War Hayn Jiray ,Nasiib Umay Helin,Inay Qayb Ka Noqoto Dadka La Gaadhsiiyo,Raashinka Maadama Oo Ay Dadka Wax Loo Qaybinayaa Ay Yihiin,Dad Codkooda Wax Ku Soo Dhacsanaaya,Balse Aanay Ahayn Dad Wax Loo Siinaayo,Sida Ay Ukala Taag Daran Yihiin

Ma Jirto Dawlad Iyo Dad Ka War Haya Dadkan Ku Dayacan Magaalooyinka Ay Ku Nool Yihiin,Maadamada Oo Hogaamiyayaashii Loo Igmaday Ku Hawlan Yihiin,Sida Uu Mid Waliba Booskiisan U Ilaashan Laha,Oo Uu Ku Ilaaway Dadkii Loo Soo Doortay Inuu Wax Ka Bedelo Nadoloshooda

Dadka Wax Haysta In Kasto Oo Aanu Dadaal Koodu Yarayn,Hadana Waxaa Looga Baahan Yahay Inay,Ku Baraarugaan Oo Ay Kaalmeeyeen,Oo Dhibta Iyo Muruugada Haysata Dadka Dan Yarta Ah La Qaybsadaan,Waxa Ay Taakulaynayaana Ugu Hagaajiyaan Haayada Diiwaanka Sekeda Oo Iyadu Sida Xaqiiqda Ah Aad Ugu Dhuun Daloosha Dadka Wax Tarka U Baahan Ee Noocan Aynu Ka Soo Sheekaynay Oo Kale Ah


Kuna Baraarug Oo Xasuus Now In Aanad Ka Fogaan,Oo Ka Qoob Qaadin,Dadka Noocan Oo Kale Ahh Si Adigana Alle U Ogaado Xaaladaada Marba Waxa Ay Ku Sugan Tahay,Waayo ,Alle Waxa Uu Yidhi Isku Naxariista Markaad Isku Naxariisataan,Ayaan Ana Cirka Iyo Dhulkaba Idinka Naxariisanayaaye

Waxaase Iga Su,aala,Maxaa Sababay In Sadexda Xisbi Qaran Midna Aanu Ajandihiisa Ku Jirin,Daryeelka Dadka Aan Waxba Haysan,Halka Dalalka Aan La Aqoonsan Qaarkood,Ku Hamiyayaan Inay Shanta Sano Ee Soo Socota Qof Walba Helo,Guri Hanti Ah,Dayac Tir Iyo Ka War Hayn Joogto Ah,



Contact:
wariyetiriike@gmail.com
Qalinkii Weriye,C/Tiriike