"Golahayagii Wakiilada Iyo Guurtidiiba Way Fashilmeen Oo Mushaharka Ayuunbaanu Iska Qaadanaa" Xil. Siciid Cilmi Rooble

0
Friday June 24, 2016 - 14:04:51 in by salman abdi
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Golahayagii Wakiilada Iyo Guurtidiiba Way Fashilmeen Oo Mushaharka Ayuunbaanu Iska Qaadanaa" Xil. Siciid Cilmi Rooble

    Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay, xadhiga xukuumadda Somaliland kula kacday dhallinyarada iyo shacabka, iibka hantida, heshiiska dekedda oo uu boob ku tilmaamay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay, xadhiga xukuumadda Somaliland kula kacday dhallinyarada iyo shacabka, iibka hantida, heshiiska dekedda oo uu boob ku tilmaamay, fadhiidnimada golaha wakiilada iyo guurtida iyo hadal dhowaan ka soo yeedhay badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Ramaax oo dhaawacayay qaranimada Somaliland.


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ugu horayn ka hadlay iib uu sheegay inay xukumaddu kula kacday dantii guud ee dalka iyo xadhiga dhallinyaro iyo suxufiyeen ka soo jeeda gobolka Saaxil, Siciid Cilmi Rooble ayaana shacabka Somaliland ugu baaqay inay arrinkaas ka mudaaharaadaan sidoo kalena waxa uu xukuumadda us oo jeediyey inay ka waantawdo xadhiga shacbiga iyo iibka hantida guud, waxaana uu yidhi:

 


"Xukuumadani way sii socota, aqal ma hadhin oo dhul ma hadhin oo lacagi ma hadhin oo wixii dalkan lagu soo waday ee aynu silica kaga bixi lahayn iyadaa (Xukuumadda) ayaa dam ka siisay wax ka qaad wayn maynaan arag maanta waxay marayaan Airport iyo dekeddii Berbera Hargeysa iyada la dhamee, waxaan leeyahay KULMIYE halaga tashado, xukuumadan halaga tashado umaduna ha u soo jeedsato xadhigan joogtada ah haddii xadhigan la inaga dayn waayo waa inoo mudaaharaad Siilaanyo shalay isaga aya mudaahaardka inagu horkacaaya markaa wixii uu shalay inagu hor kacaayay dee Adeer Sallacalee waynu samaynaynaa waxaan leeyahay hala dhiirado haddii la inaga dayn waayo, xukuumadda talo xadhiga dadka ka waantooba shacabkan aad hantidiisii dam ka siinaysan”

Sidoo kale Siciid Cilmi Rooble waxa uu ka hadlay fadhiidnimada golayaasha wakiilada iyo guurtida oo uu sheegay inay fashilmeen isagoo qiray inay mushaharka uunu xaadiraan, waxaana uu arrinkaas ka yidhi :

"Anigu been ma sheegee golahayagu wakiiladu wuu fashilmay, golaha guurtiduna wuu fashilmay, mushaharkayaga ayuunbaanu iska qaadanaa salle calee markaa waxaan ilaahay ka baryayaa inuu golaha wakiilada iyo guurtida golayaal bedela keeno "

Ugu dambayn Xildhibaan Salla Calee ayaa ka jawaabay hadal ay warbaahinta dalka qaarkeed qortay kaasoo sheegayay in badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Ramaax uu darjiidhay isla markaana aflagaadeeyey qaranimada Somaliland, sidoo kalena warka ayaa intaas ku darayay in Ramaax uu oromo ku tilmaamay dadkii shacabka ahaa ee asal ahaan ka soo jeeday Somaliland ee lagu laayay Jaamac Dubadd , waxaana uu xildhibaanku sheegay inuu arrinkaas xaal ka bixinayo:

"horta hadalkaasu qof dee caadiya oo miyir qaba oo ilaahay ka baqayaa kuma hadlo markaa saacadaas (aynu joogno) wuxuu ku jiraa khiyaamo qaran, Ramaaxna inuu baryahan waashay waan ogahay anigu markaa waxaan sheegayaa uun xukuumadda (Somaliland) uu leeyahay ma jirtona ha ka jawaabto iyadu anagu waxaanu naqaana inaynu dal nahay somaliland nahay, madax leenahay, dawlad nahay Ictiraafna ilaahay ka haysano laakiin anigu waxaan qabaa waxaa uu ku hadlyo madaxtooyada ayaa laga faray, Ramaax maaha nin iskii u hadla ee waa nin wixii la faro ku hadla xaal ayaanan ka bixinayaa umadaas (Umadda Jaamac Dubad lagu laayay) aynu wada dhalanay ee aniga ehelkayga ah ee uu oromo ku tilmaamayo waa dad reer Sheekh Isaxaaq ah, Ramaax isaga ayaa shaqsiyadiisa Oromo ah isaga ayaan dhiig lahaa” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.