Dalka Kamboodiya Oo Laga Helay Magaalooyin Cusub Oo Aan Hore Loo Ogayn.

0
Friday June 24, 2016 - 14:13:54 in by salman abdi
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Kamboodiya Oo Laga Helay Magaalooyin Cusub Oo Aan Hore Loo Ogayn.

    Culimada taariikhda ee wadanka Kamboodiya ayaa helay magalaooyin cusub oo aan hore loo ogoayn,kuwaas oo ku yaala agagaarka macbadka lagu magcaabo Angkor Wat,waxaanay la dhisay magaalooyinkaasi waqti aad u horeeyey ama waqti fog. Guryahan ayaa la ark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culimada taariikhda ee wadanka Kamboodiya ayaa helay magalaooyin cusub oo aan hore loo ogoayn,kuwaas oo ku yaala agagaarka macbadka lagu magcaabo Angkor Wat,waxaanay la dhisay magaalooyinkaasi waqti aad u horeeyey ama waqti fog. Guryahan ayaa la arkay kadib markii laysku dayey in degaankaasi lagu sameeyo hab maabeed cusub,kaas oo lagu sawiraayey diyaarad helicopter ah,waxaanay isticmaalayeen khubaradaasi qalabka Laysarka loo yaqaano iyo sidoo kalena radaaro kala duwan.

Magaalooyinkan ayaa ku yaala meelo kaymo ah oo u dhow macbadkaasi,kaas oo ay adag tahay in si fudud wax loo arko ilaa loo fiirsado mooyaane.

Magaalooyinkan ayaa ku wareegsan macbadkaasi,iyada oo ay jiraan wadooyin dhiri xidhay oo iyaguna taga magaalooyinka,kuwaas oo ugu dambaynta isugu yimaada meeshaas macbadka ah oo ay soo wada galaan wadooyinkaasi,waxaa kale oo jira meelo Kanaalo ah ,kuwaas oo iyaguna magaalooyinkaasi ku dhow dhow,waxaana la rumaysan yahay inay kanaaladaasi yihin kuwii dadka halkaasi degani ay ka cabi jireen.

Magaalooyinkan oo uu dhexda ugu jiro macbadkaasi ayaa la rumaysan yahay in lagu noolaa qarniyo hore,waxaanay khubaradani sheegeen inay qiyaasayaan in dadkii ugu dambeeyey ku noolaayeen magaalooyinkan qarnigii 12-naad.

Kooxahan Taariikh yahanada ah ayaa samaynaaya baadhitaano ay ku baadhayaan xiliyadii ay magaalooyinkan dadku ku noolaayeen ee saxda ahaa iyo boqortooyadaasi inta sare ee ay halkaasi xukumaysay,iyada oo laga yaabo inay ahayd boqortooyada halkaasi soo gaadhi jirtay boqortooyadii faca weynayd ee wadankaasi Kamboodiya ka jiri jirtay,taas oo gaadhey xukumina jirtay ilaa Koonfur Barri qaaradda Aasiya,sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan,waxaanay boqortooyadani ahayd mid balaadhan.

Boqortooyadan oo dhulkaasi dagaalo ku qabsatay ayaa ugu dambayntii ku jabtay kuna dhacday gacanta beelaha loo yaqaano Thai tribes,kuwaas oo reer Thailand ah.

Marka loo eego macbadkan ay ku dhinacyo yaalaan,waxa uu ahaa mid ay lahaan jireen sida la xaqiijiyey dadka Hinduga ah,kuwaas oo deganaa wadanka Kamboodiya,waxaanau ahaayeen kuwo halkaasi ku caabuda Sanamyo kala duwan oo ay aaminsanaayen.

Taariikhda ugu muhiimsan ee macbadkan ayaa ah in la aas aasay badhtamihii qarnigii 12-naad,waqtigaasi oo uu wadankaasi maamulaayey boqor lagu magcaabi jiray Suryavarman ,kaas oo halkaas ka guuray qarnigii 15-aad,waxaana sannadkii 1860 kii helay khubaro reer Yurub ahaa.