Badhasabka Gobolka Gabilay Oo Xidhiidha La Samayay Maamulka Deegaanka Somalida Ethopia Oo U Xidhay Wariye Mukhtaar

0
Friday June 24, 2016 - 14:15:17 in by salman abdi
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasabka Gobolka Gabilay Oo Xidhiidha La Samayay Maamulka Deegaanka Somalida Ethopia Oo U Xidhay Wariye Mukhtaar

    Dawlada Somaliland Oo Xidhiidh La Samaysay DDSI Oo Maalintii Afraad U Xdhan Yahay Weriyhii Horn Cable Uga Soo Warami Jiray Gobolka Gebilay Dawladda Somaliland, ayaa Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya xidhiidh kala samaysay Xadhigga Weriye Saddex M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Somaliland Oo Xidhiidh La Samaysay DDSI Oo Maalintii Afraad U Xdhan Yahay Weriyhii Horn Cable Uga Soo Warami Jiray Gobolka Gebilay Dawladda Somaliland, ayaa Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya xidhiidh kala samaysay Xadhigga Weriye Saddex Maalmood ka hor Ciidammada Liyuu Booliisku ka kexeysteen Daanta Itoobiya ee Degmada Wajaale, kaasi oo ahaa Suxufiga Gobolka Gabiley uga soo warrama Telefiishanka HCTV. Xadhigga Weriyahan oo Magaciisu yahay Mukhtaar Nuux Ibraahim, ayaa Dawladda Somaliland ka shaqeynaysaa sidii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Xorriyaddoodiisa ugu soo celin lahaayeen, sida uu Wargeyska Himilo u sheegay Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi oo Xalay Khadka Telefoonka ugu Warramay.

Badhasaabka Gobolka Gabiley, ayaa waxa uu sheegay inay Xidhiidh la sameeyeen Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Xidhay Weriyaha isla-markaana ka sugayaan Jawaab sugan, laakiin ay ka xun yihiin in Dadweynaha Magaalada Gabiley sameeyaan Mudaharaad ay kaga cabanayaan Xadhigga Suxufigaasi.

Badhasaabka oo ugu horeyn ka hadlaya Mudaharaad lagu dalbanayey in Xorriyaddiisa loo soo celiyo Weriye Mukhtaar oo Shalay ka dhacay Gabiley, ayaa sheegay in aanay Maamul ahaan wax Sax ah u arkaynin Mudaharaadkaasi oo uu ku dooday inay ka qayb-galeen Dad kooban, maaddaama buu yidhi ku hawlan yihiin soo deynta Weriyahan, "Annagu Mudaharaad maanu arag ee waxaanu aragnay Toban Qof oo leh Weriyaha Itoobiya ku xidhan ha la soo daayo, laakiin Mudaharaad laguma Dalbado soodeynta Qofka xidhan, marka laga soo quusto waxyaabihii kale oo dhan bay Mudaharaad gaadhaa.” Ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Gabiley, waxaanu intaa ku daray inay ku hawlan yihiin sidii Weriyaha Itoobiya ku xidhan loo soodeyn lahaa, "Annaga ayaa ku hawlan sidii loo soodeyn lahaa Suxufiga, oo la xidhiidhnay Dadkii ay khuseysay Warna waanu ka sugeynay, markaa la naguma simin (Ee waalla Mudaharaaday) Xadhigguna Saddex Maalmood baa laga joogaa, Nimankana (Suxufiyiinta uu Mukhtaar ka mid ahaa) iyagaa Daantooda ugu Tallaabay (Itoobiyaanka xidhay), haddana Saddex ama Afar jeer baanu la hadalnay Dadkii ay khuseysay waxayna yidhaahdeen War baanu idin soo siinaynaa.”

Guddoomiye Xamse wuxuu sheegay inay khalad ahayd in Mudaharaad lagu dalbado in Weriyaha la soo daayo, "Annaga nalamay saxsanayn Mudaharaadku, waayo? Dadku waxay iigu yimaaddeen Xafiiska annaga oo wada fadhina Guddida Nabadgalyada Gobolka, waan u sheegnay inaanu wada hadalnay (Maamulka uu Weriyuhu u xidhan yahay), Dawladda dhexena la xidhiidhaysay, markaa waxaanan Garanayn sida Dadku rabaan in looga hawl-galo soo deynta Weriyahan.” Ayuu yidhi, Waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya Su’aal Nuxurkeedu ahaa inay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waydiiyeen Halka Suxufigu ku xidhan yahay iyo Xaaladdiisaba, "Waxaan kala hadlay soo deyntiisa, ee maxay tareysaa inaan waydiiyo halka uu ku xidhan yahay Adiga aan ku waydiiyee?.”

Mudaharaadayaasha Shalay iskugu soo baxay Magaalada Gabiley ee Badhasaabku Canaantay, ayaa iyagu si toos ah farriin ugu diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, iyagoo ka dalbaday inuu ka hadlo Xadhigga Weriye Mukhtaar isla-markaana ka shaqeeyo soodeyntiisa, "Waxaanu Madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa inuu noo soo daayo Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim. Madaxweyne, Adiga ayaanu kuu soo baxnay inaanu kuu muujinno dareenkayaga, wax dhibaato ah ma wadno, markaa waxaanu kaa codsanaynaa inaad Arrinka Mukhtaar ka hadasho.”ayay tidhi Haweenay ka mid ah Dadweynaha Mudaharaaday.

Gabadh kale oo Warbaahinta u soo bandhigtay dareenkeeda, ayaa sheegtay, "Waxaan hadlayaa Inanka la yidhaahdo Mukhtaar Nuux oo Geeri iyo Nolol meel uu ku dambeeyay aan laga war-qabin. Markaa Madaxweynuhu wuu nool yahay oo Dalka ayuu joogaa, haddana Saddex Habeen baa Weriyihii lagu haystaa Dalka Itoobiya, markaa waxaanu doonaynaa in sida ugu Dhakhsaha badan Weriye loo soo celiyo.” Ayay sheegtay mid kale oo ka mid ah Gabdho ka qayb-galay Mudaharaadkaasi.