Raisul wasaaraha Somaliya oo Laba Wasiir oo Haween ah Xilkii Ka Qaday iyo Xasan Sheekh oo ka ogolaaday

0
Saturday June 25, 2016 - 08:08:14 in by salman abdi
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raisul wasaaraha Somaliya oo Laba Wasiir oo Haween ah Xilkii Ka Qaday iyo Xasan Sheekh oo ka ogolaaday

    War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu oggoladey xil ka qaadis Raysalwasaaruha Soomaaliya ku sameeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu oggoladey xil ka qaadis Raysalwasaaruha Soomaaliya ku sameeyey

laba xubnood oo kamid ahaa xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxaa xilkii laga qaadey Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.wasiiro

 

 

Labada Marwo ee xilka laga qaadey ayaa lagu beddalay labo Mudane oo mid kamid Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabey Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka horeyna Puntland wasiir uga noqdey.

Wasiirka Caafimaadka ayaa loo magacaabey Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur.

Inkasta oo laba gabdhood xilka laga qaadey oo ka mid ahaa saddexda gabdhood ee keliya ee xukuumadda ku jirta, ayaa lagu beddalay laba nin, waxaana loo badinayaa in isbeddelkan la xiriiro Doorashooyinka 2016 oo ay dhici karto labada qof ee xilalka loo magacaabey in ay dib u soo galayaan Baarlamaanka.