Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyaddeeyay Geeridda Ku Timid Marxuum Chief Caaqil Cidhib-barakalle

0
Monday June 27, 2016 - 11:10:31 in by salman abdi
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyaddeeyay Geeridda Ku Timid Marxuum Chief Caaqil Cidhib-barakalle

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawlada iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, qoysk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawlada iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Cabdilaahi Faarax (Cidhib-barakale), oo ku geeriyooday Caawa oo ay taariikhdu tahay 26/06/2016, magaalada Hargeysa.



Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Chief Caaqilada ugu faca-weyn cuqaashada dalka, kana soo shaqeeyey nabadayntii, dib u dhiskii iyo horumarka dalka, laguna xasuusan doono doorkii waayeelnimo ee u ka soo qaatay wakhtiyadii kala duwanaa ee dalka horumarkiisa iyo taabo gelintiisa lagu hawlanaa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.