Muqdisho:Wasiirka Cusub Ee Waxbarashada Somaliya Oo Maanta Xilkii Si Rasmiya Ula Wareegay+Sawiro

0
Tuesday June 28, 2016 - 16:50:32 in by salman abdi
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Wasiirka Cusub Ee Waxbarashada Somaliya Oo Maanta Xilkii Si Rasmiya Ula Wareegay+Sawiro

    Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaradda, waxana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaradda, waxana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.






Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo ku hadlayay magaca Xukuumadda
Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali. ayaa hambalyo u direy Wasiirka Cusub, wuxuna alle uga baryey in shaqadiisa u fududeeyo.

 

Ugu danbeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada, isagoo xusay in uu halkii kasii wadi doono shaqada Wasaaradda, isla markaana ka rajeynayo in shacabka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan kor u qaadista Waxbarashada dalka.


 

---DHAMAAD---

 

Prime Minister’s Media Office

Mogadishu, Somalia

media.opm@gmail.com

Twitter: @SomaliPM