Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Cusbitaalka Ku Booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Xanunsan

0
Wednesday June 29, 2016 - 00:06:31 in by salman abdi
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Cusbitaalka Ku Booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Xanunsan

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana ah ,Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridk ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro)ayaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku booqdey Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo indhawaale x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana ah ,Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridk ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro)ayaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku booqdey Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo indhawaale xaalad Caafimaad u jiifay Cusbitaalka Hargeysa.


Gudoomiye Ciro waxa uu Cusbitaalka Hargeysa ku booqdey Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe),wax yar markii uu ku sugnaa dalka islamarkaana, uu kasoo laabtey socdaal uu ku gaadhay dalalka Yurub,waxaanay talaabada Cabdiraxmaan-Ciro oo waajib ahi tilmaan ka bixinaysaa sida uu ugu caloo fayowyahey Shakhsi kasta oo ay aqoon isku leeyihiin maadaama Mujaahid Boobe saluug ka muujiyey Siyaasada Xisbiga Wadani haseyeeshee, aanu ugu calool qaadin talaabadaas ee uu kasoo gutey Wajibaakiisa uu ka mudan yahey.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayey talaabadni ku noqotey mid ku cusub sooyaalkii saaxiibadiisii Qaaxo oo hadi ay Siyaasada ku kala aragti duwanadaan albaabada soo kala oodan jirey Ilaahay Caafimaad sareecan ah ha siiyo Mujaahidka