"Sharcigan Jinsiga Ee Siyaasadda Qaran, Oo Xukuumaddu Ansixisay Wuxuu Ka Soo Horjeeda Diinta Islaamka". Culimada Somalia.

0
Thursday June 30, 2016 - 10:03:09 in by salman abdi
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sharcigan Jinsiga Ee Siyaasadda Qaran, Oo Xukuumaddu Ansixisay Wuxuu Ka Soo Horjeeda Diinta Islaamka". Culimada Somalia.

    Culimadda dalkaasi Somalia ayaa ka soo horjeestay wax loogu yeedhay Siyaasadda qaran ee Jinsiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culimadda dalkaasi Somalia ayaa ka soo horjeestay wax loogu yeedhay Siyaasadda qaran ee Jinsiga,

ka soo bishii la soo dhaafay ay meel marisay Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo qodobada ku jira sharcigan uu ka hor imaanayo Diinta Islaamka.

Kulan Culimada Somalia ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hor-yimaadeen barnaamijka siyaasada qaran ee Jinsiga oo ay Wasaaradda Haweenka soo diyaarisay.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hey’adda Culimadda ayaa sheegay in barnaamijka siyaasadda qaran uu khilaafsan yahay shareecada Islaamka.

"Waxaa ka war helnay Buug ay soo saartay Wasaaradda Haweenka ee la leeyahay Waa siyaasada qaran ee Jinsiga, wuxuu buugaas khilaafsan yahay shareecada Islaamka, waxaana haatan inoo soo baxday in Golaha Wasiirada ay meel mariyeen”ayuu yidhi Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in arrintan ay qatar ku tahay jiritaanka qoyska Muslimka ah, isagoo xusay inuu buun buuninayo dumarka, isla markaana lagu tarbiyeynayo inay ka hor-yimaadaan Waalidiintooda iyo Nimanka qaba, taasoo uu xusay inay tahay in lagu siinayo Haweenka xoriyad.

"Waxyaabaha buuggaas ku jira waxaa ka mid ah in dhamaan Guddiinga gabdhaha la diidaa oo xataa gudniinka Sunniga ku jiro, oo ah in dambi laga dhigo, ma ahan arrin diinta islaamka ay qabto, sidoo kale da’da carrruurta ku qaan-gaaraan waxaa laga dhigay sida Gaalada oo kale 18-sano, waxaa la dhahay Gabadhu iyadaa is-guurin karto, iyadoo aabe iyo sheikh loo baahneyn”ayuu yidhi Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in aanay sax aheyn in Soomaaliya lagu qasbo waxyaabo khilaafsan shareecada islaamka, waxaana uu ka digay siminaarada loo qabanayo haweenka ee lagu dhiira gelinayo, looguna sheegayo awood aanay laheyn.

"Haweenka kaalin weyn ayay bulshada kaga jiraan, waa in laga kaalmeeyo xaga aqoonta, sida waxbarashada, caafimaadka, baahida dumarka ma ahan Siyaasad, waayo waxay ku dayacan yihiin xaga carrruuta, waa in laga kaalmeeyaa, waana in lagu ixtiraamaa”ayuu yidhi Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guuxan ka soo yeedhay Culimada Somalia ayaa durbaba waxaa uu dhaliyay cadho aad u weyn, kadib markii laga war helay in barnaamijka siyaasada qaran ee Jinsiga dalkaasi Somalia ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya Shareecada Diinta Islaamka.