Daawo Sawirada: Qarax dad badan ay ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho

0
Thursday June 30, 2016 - 12:03:01 in by Burco Office
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Qarax dad badan ay ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho

    Waxaa saakay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ay la kacday gaari BL ah ay saarnaayeen dad shacab ah , qaraxan ayaana ka dhacay Deegaanka Lafoole ee kuyaala Duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saakay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ay la kacday gaari BL ah ay saarnaayeen dad shacab ah , qaraxan ayaana ka dhacay Deegaanka Lafoole ee kuyaala Duleedka magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay 12-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaarigaasi saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadex qof oo kale kuwaa oo dhawaacyo culus qaba loona soo qaaday magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku heleyno dadka dhintay waxaa ku jiray Aabe iyo labo caruur ah uu dhalay oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga qaraxu haleelay, waxaana dadka dhintay badankood la sheegay in uu jirkooda uu go'goay.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Lafoole ayaa u gurmaday gaariga uu qaraxu haleelay, waxa ayna ku guuleesteen in dadka dhaawaca ah ay gaari usoo saaraan Isbitalao kuyaala magaalada Muqdisho si loo bad baadiyo.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqatay argagax badan , waxaan halkaasi yaalay hilbaha dadka dhintay iyo dhiig badan, waxaana la arkayay dad badan oo iska ilmeeyay kadib markii ay arkeen mashaqada goobtaasi ka dhacday.