Aabe Iyo Saddex Wiil Oo Uu Dhalay Oo Ku Dhintay Qaraxii Lafoole Iyo Xasan Sheekh Maxamud Oo Ka Hadlay

0
Friday July 01, 2016 - 12:57:44 in by salman abdi
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabe Iyo Saddex Wiil Oo Uu Dhalay Oo Ku Dhintay Qaraxii Lafoole Iyo Xasan Sheekh Maxamud Oo Ka Hadlay

    Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu hadlay qaraxii miino ee Khamiistii ka dhacay Deegaanka Lafoole,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu hadlay qaraxii miino ee Khamiistii ka dhacay Deegaanka Lafoole,

laguna dilay dad fara-badan oo wax ay galabsadeen aanay jirin.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa wuxuu qiray in weerarkan lagu dilay dad fara-badan oo Soomaali ah, dadkaasi oo sida uu sheegay ay ku jireen aabe iyo saddex carruur ahayd oo uu dhalay.
"Jaamacadda Lafoole baabuuraa ku qarxay. Baabuur Caasi oo rayid saaran yahay ayaa miino jidka loo geliyay, laguna qarxiyay. Waxaa ku dhintay dad badan oo Soomaali ah, waxaana ka mid ahaa aabe iyo saddexdii carruurta ahayd uu dhalay.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh .

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu habaaray raggii ka dambeeyay miinada lagu aasay wadada, laguna dilay 18 qof oo masaakiin ahayd.
"Kuwaas iyo kuwii ka horeeyay oo ficilada noocaasi sameeya oo dhanba Ilaahay abaalkooda haka waraabiyo aakhiradooda, adduunyadoodana Allaha qaribaa leenahay.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in Dowladda iyo shacabkuba, ay iska kaashadaan sidii looga takhalusi lahaa kuwa xasilooni darrada ka wada dalka.
"Dowladda iyo shacabka Somaliyeedna waxaan leenahay ha u soo jeesteen inay meel saaraan. Intii nagu filan oo agoonaa leenahay, in inagu filan curyaamiin oo dagaalku uu waxyeeleeyay, in ku filan ayaa leenahay oo barakacday, oo daarahoodii, guryahoodii iyo deegaankii ay ku noollaayeen ka carartay, in inagu filan ayaa leenahay oo carartay, xuduudaha ka tallaabtay, oo wadamada deriska iyo meelo fog fog intaba qaxooti ku ah, in inagu filanaa leenahay oo meel aanay sharafkooda, karaamadooda iyo diintooda u ogolaanaynin oo daruufahaasi ay ku kalifeen.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan, ayaa intaa ku daray "Kuwii sababay daruufahaasi waxaan leenahay Ilaahay abaalkooda aakhiro, haka waraabiyo, oo wanaagsanayn weliba.”