Falaqaynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Caawa Dhexmari Doona Wales Iyo Belgium

0
Friday July 01, 2016 - 14:19:17 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaqaynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Caawa Dhexmari Doona Wales Iyo Belgium

    Lille ayaa caawa martigelinta kulanka aadka u adag ee Belgium iyo Wales iyadoo labada koox midii gul gaarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lille ayaa caawa martigelinta kulanka aadka u adag ee Belgium iyo Wales iyadoo labada koox midii gul gaarta

 ay balan kula sameysan doonto Portugal afar dhamaadka tartanka Euro 2016

Kulanka: Belgium Vs Wales

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Fiidnimo

Falaanqeynta Kulanka Iyo Wararka Labada Xul

 

Belgium-v-Wales-533x300

Wales iyo Belgium ayaa wareega 16 ka ee tartankaan la soo kala ciyaaray xulalka Ireland iyo Hungary oo ay guulo ka soo kala gaareen waxayna ku dagaalami doonaa xulkii balan la sameysan lahaa xulka Portugal oo xalay rigooreyaal kaga soo baxay xulka Poland.

Eden Hazard ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisi ugu fiicnaa ee xili ciyaareedkaan kulankii ay xulkiisa guusha ka gaareen xulka Hungary uu si kalinimo ah u kala dhantaalay xulkaas waxayna xulkiisa markale raadin doonaan inuu sidaasi oo kale u ciyaaro caawa.

Jon Vertoghen ayaa ka dhaawacan xulka Belgium halka Thomas Varmaleen uu ganaax ku seegi doono kulankaan kadib markii uu qaatay labo kaar oo digniin ah intii uu tartankaan socday.

Dhanka Wales waxaa garbihiisa ku wada Gareth Bale kaasoo ku jira qaab ciyaareedkii noloshiisa isagoo si wanaagsna garbihiisa ugu qaaday xulkiisa guulana soo gaarsiiyay afar kamid ah sadexdii kulan ee ay ciyaareeen.

Gool uu dhaliyay Gareth Bale ayaa kala saaray labadaan koox oo hore ugu kulmay isreebreebkii loogu soo baxayay tartankaan Euros iyadoo kulan uu ku dhamaaday gool iyo waxba halka kan kale uu ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah inkastoo ay xulka Belgium ay si kasto ugu raaxeysteen labada kulan laakin aysan wax gool ah dhalin.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox

Wales: Hennessey; Gunter, Chester, Williams, Davies, Taylor; Allen, Ledley; Ramsey, Bale; Robson-Kanu.

Belgium: Courtois; Meunier, Alderweireld, Ciman/Denayer, J Lukaku; Witsel, Nainggolan; Mertens/Carrasco, De Bruyne, Hazard; R Lukaku.