Ma ahay Qof u Qalma in uu Guul Gaadho ? Waa Qormo Ku Saabsan Hayaanka Nolosha WQ- Suxufi Khaalid Bakayle.

0
Tuesday July 05, 2016 - 12:08:28 in by salman abdi
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma ahay Qof u Qalma in uu Guul Gaadho ? Waa Qormo Ku Saabsan Hayaanka Nolosha WQ- Suxufi Khaalid Bakayle.

    Ugu horeyntii aan idin Bariidiyo meel kasta oo aad joogtaan iyo xili kasta oo Qormadan idin soo gaadhaba waxaan idin leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyntii aan idin Bariidiyo meel kasta oo aad joogtaan iyo xili kasta oo Qormadan idin soo gaadhaba waxaan idin leeyahay


 Assalamu Calaykum Wa Raxmatulaahi wa Barakaatu, Bacda salaan Qormadan cinwaankeedu yahay ” Ma Ahay Qof u Qalma in uu Guul Gaadho” waa qormo ku saabsan Nolosha iyo salaanamada Kala sareeya ee aad u mari karto Guusha aad adigu u baahan tahay in aad gaadho iyo in aad tahay qof u qalba in uu guul gaadho, waxaan ka wadaa Marka aan leeyahay ma Tahay qof u qalma in uu Guul gaadho Xiligee ayaad kasban kartaa Bulshadaada laguguna tilmaami karaa qof Guul wax ku ool ah Gaadhay,  insha allah waxaan isku Dayi doonaa wixii Allah SWT iga waafajiyo in aan qormadan idin kula wadaago.

mmmmmm

Marka aad Maqasho Kelmada "Guul”  Waxa maskaxdaada ku soo dhacaysa Dad badan oo ku guulaystay hamiyo ay laayeen ama wax kale oo ay ku fekerayeen Mudo badan, Tusaale ahaan Cawil oo ka dhashay qoys ilaa xad danyar ah ayaa Jaamacad dhameeyey ilaa Shahaadada Sare ee PHD, Waxaad is weydiinaysaa waa maxay waxa Cawil oo Qoyskoodu danyar yahay oo xataa ay u awoodi kari waayeen in ay ka bixiyaan Dugsigii hoose Dhexe waxa u suurto galiyey in uu ilaa halkaa socdo, Waa Su,aal ay naftaadu ku saxan tahay in ay iswaydiiso waayo waxa ay kuu dhaweynaysaa Halka aad adigu u socoto ama higsigaaga mustaqbal hadii aan ALLAH SWT kaa oofsan amaanadiisa.

Badiba dadka Guulaha wax ku oolka ah Gaadhaa waxa ay Ku gaadhaan Laba shay oo Noloshaada u ah Lagama maarmaan, qofku hadii uu ku fekero in uu hamigiisa ka Rumeeyana aan la,aantood waxba u suurto galayn shaqsiyaadkaasi Labadaa Qodob ayaa kala ah

  1. ALLE Ka Cabsi Badhaxtiran.

  2. Dedaal iyo karti Saayid ah.

Hadii aan ku horeeyo Qodobka koowaad oo runtii si wanaagsan u Dabaqaya Cinwaanka qormadeenan, Qofku marka uu islaam yahay waxa looga baahan yahay islaamnimadiisa ka sakow in uu Fallo acmaal tiro badan oo runtii kuu dhaweynaysa ALLAH SWT iyo hamigaaga aad leedahayba, qofki hadii aanu la iman Cibaado badhaxtiran iyo adoonimo wanaagsan Guul ma Gaadho mana haabsado runtii, Sababtu Tahay wuxuu ilaawey qofkaasi sababtii ka dambaysay abuurimaadkiisa oo ah in uu ALLAH SWT oo kaliya Caabudo, Waxaa hubaal ah qofka hadii uu Garan waayo adoonimada ALLAH, waa qof lunsan una baahan hanuunin iyo waxsheegmo walaltinimo, Hadiise aad noqoto qof ku dhaqma wax kasta oo ALLAH SWT ina Faray, kana Taga wax kasta oo laynaga reebay waxaad tahay adoon Rasmi ah waxaanad Gaadhaysaa guul aduun iyo mid aakhiraba Insha allah waxaanad tahay qof u qalma in uu guul Gaadho.

Waxaan u gudbayaa qodobka labaad oo ah "DEDAAL” Marka uu qofku leeyahay hami iyo qorshe nololeed dedaalku waa lagama maarmaanka koowaad waayo hadii aad dedaal iyo karti dheeraad ah aanad ku darin Hamigaaga iyo higsigaaga If iyo aakhiraba ma noqonaysid mid ku guulaysta Hamiyadiisa, Wax kasta oo qabasho u baahanina kama maarmaan dedaal iyo karti aad ku qabato waxaas aad u baahan tahay, Waxyaalaha ugu waaweyn ee bulshada is dhaafiya ama shaqsiyaadkana waxa kow ka ah noloshooda ayaa ah Labadan qodob ee aan kor ku xusay.

Tallo Walaaltinimo

Runtii qormadani waxa ay ka mid tahay  Ficilada u baahan Baraarujinta ee aan Tabaayey in aan la wadaago Bulshayda Dhalinyaro iyo waayeel, Qofkasta waxaan kula Talin lahaa ku dhaqanka labadan Qodob oo runtii qof kasta u horseedi kara guul aduun iyo mid aakhriba.

Waad ku Mahadsan tihiin idilkiin Si wanaagsan ee aad wakhtiga u siiseen Akhriska Qormadan oo dulucdeedu Xambaarsan tahay Dariiqyada Guusha loo maro iyo laba oo hawlbowle u ah Nolosheena leh hadafka mustaqbal iyo kan xaadirka ah.

La Soco Insha Allah Qormooyin Kale Oo Khuseeya Arima Bulshada……….

Khaalid Ahmed Mohamed (Bakayle)
Email : Khaalidbakayle@gmail.com
Burco-Somaliland.