Antonie Griezmann Oo Lagula Dardaamay Inuu Caawa Ka Ooysiiyo Cristiano Ronaldo

0
Sunday July 10, 2016 - 16:23:12 in by Burco Office
  • Visits: 2075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonie Griezmann Oo Lagula Dardaamay Inuu Caawa Ka Ooysiiyo Cristiano Ronaldo

    Antoine Griezmann ayaa lagu booriyay inuu caawa ka ooysiiyo Cristiano Ronaldo marka ay France qaabisho xulka Portugal kulan ka dhici doona Stade de France oo lagu soo afjarayo tartan qarameedka qaaradaan cajuusada ah ee yurub ee Euro dafcadiisa 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antoine Griezmann ayaa lagu booriyay inuu caawa ka ooysiiyo Cristiano Ronaldo marka ay France qaabisho xulka Portugal kulan ka dhici doona Stade de France oo lagu soo afjarayo tartan qarameedka qaaradaan cajuusada ah ee yurub ee Euro dafcadiisa 2016.

Cristiano Ronaldo ayaa la arkay sanadii 2004 isagoo 19 sano jir ah oo ilmeenaya markii ay xulkiisa ku fashilmeen iney qaadaan tartankii lagu qabtay isla wadankooda Portugal markaasoo ay guuldaro kala kulmeen xulkii Greece.

Macalinka xulka qaranka France, Didier Deschamps, ayaa u sheegay wiilka hogaaminaya gooldhalinta tartankaan ee Griez inuu markale dadka xusuusiyo dhacdadaas kadib ciyaarta caawa ee Paris.

Wuxuu saxaafada u sheegay: "Waxa aan doonayo ayaa ah in Antoine uu ka caawiyo France hanashada tartanka qaramada qaarda yurub ee European champions. Portugal, oo wadata Cristiano iyana waxay ka fakarayaan sidaas.”

ronaldo-griezmann

Griezmann ayaa ilmeeyay kadib kulankii ay Atletico Madrid guuldarada kala kulantay kooxda Ronaldo ee Real ciyaar dhamaadkii Champions League markaasoo uu 25 jirkaan kooxdiisa ka qsaariyay gool ku laad uu ciyaarta ku barbareyn lahaa wuxuuna macalinkana ku celiyay "Waxaan dooneynaan inaan guuleysano ee maha in Griez uu ka aargudanayo Ronaldo, hadii uu inoo adkaado, waa caadi in xulka kale ay xumaan doonaan”.

Macalinkaa ayaa la weydiyay hadii uu jiro qorshe ay ku joojinayaan Ronaldo wuxuuna yiri "Ma jiraa qorshe Anti-Ronaldo ah ? Maba jiri karo, waa nin todobo, sideed, sagaal sano wada qaab ciyaareedkiisa joogtada ah wuxuuna kooxdiisa u dhaliyaa goolal aan caadi aheyn si lamid ah qarankiisa marka ma jiro qorshe lagu joojin karo Ronaldo”.