"Cristiano Ronaldo Ayaa Ii Sheegay Inaan Gool Dhalin Doona" Geesiga Portugal Koobka U Qaaday Eder

0
Monday July 11, 2016 - 09:44:41 in by Burco Office
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cristiano Ronaldo Ayaa Ii Sheegay Inaan Gool Dhalin Doona" Geesiga Portugal Koobka U Qaaday Eder

    Geesiga Portugal Eder ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu ku dhiirogeliyay guushoodii koobka Euro 2016 inkastoo uu kabtanka Portugal dhaawac kaga baxay ciyaarta xilli hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesiga Portugal Eder ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu ku dhiirogeliyay guushoodii koobka Euro 2016 inkastoo uu kabtanka Portugal dhaawac kaga baxay ciyaarta xilli hore.

Laakiin Ronaldo ayaa si weyn u dhiirogeliyay asxaabtiisa xulka Portugal dhamaadka daqiiqadii 90aad, waxaana uu sidoo kale si gaar ah u la hadlay Eder ka hor inta uusan bedel ku soo gelin.

Euro-2016-Final-Portugal-v-France

Weeraryahanka kooxda Lille Eder ayaa yiri: "Cristiano Ronaldo ayaa ii sheegay inaan gooldhalin doono marka aan soo galo, waxaana dhiirogelintaas la tagay ciyaarta.

"Ma ahan kooxda ugu farsamada fiican laakiin si weyn ayaan iskula shaqeynay. Tan iyo markii tababaraha yimid, aaminaad ayuu ku qabay inay kooxdaan sidaan sameyn karto.”

Portugal ayaa ku guuleystay koobkeedii ugu horeysay ee tartan caalami ah ka dib markii ay 1-0 xalayto kaga takhaluseen xulka martigelinayay tartanka Euro 2016 ee France.