Xidhiidhka UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Tartankii Euro 2016, Xidigo Magaca leh Oo Shaxdan Iska Dhex Waayay

0
Tuesday July 12, 2016 - 10:15:10 in by Burco Office
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Tartankii Euro 2016, Xidigo Magaca leh Oo Shaxdan Iska Dhex Waayay

    Xidhiidhka kubbada Cagta Yurub Ee UEFA ayaa soo saartay shaxda kooxdii ugu fiicnayd tartankii qaramada Yurub ee Euro 2016 ee xalay lagu soo gabagabeeyay dalka France. Waxaana shaxdan soo xulay guddi ka kooban 13 xubnood oo kala ah Ioan Lupescu , Sir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka kubbada Cagta Yurub Ee UEFA ayaa soo saartay shaxda kooxdii ugu fiicnayd tartankii qaramada Yurub ee Euro 2016 ee xalay lagu soo gabagabeeyay dalka France. Waxaana shaxdan soo xulay guddi ka kooban 13 xubnood oo kala ah Ioan Lupescu , Sir Alex Ferguson, Alain Giresse, David Moyes, Packie Bonner, Mixu Paatelainen, Savo Milošević, Peter Rudbæk, Gareth Southgate, Thomas Schaaf, Jean-François Domergue, Ginés Meléndez iyo Jean-Paul Brigger.

Guddida ay UEFA u saartay in ay soo xushaan shaxdan ayaa raaciyay shuruudo loo dhigay ka hor intii aanu tartanku bilaamin waxaana shaxda loo sii dajiyay shaxda ugu badan ee loo isticmaalo kulamada finalka ah waxaana loo doortay in shaxdu ay noqoto4-2-3-1. Guddida farsamo ee shaxdan soo xulanaysay ayay kulankasta laba ka mid ahi diyaar ku ahaa kulan kasta oo ka mid ahaa 51 kii kulan ee laga soo ciyaaray Euro 2016.Euro216

Xidigo ay ka mid yihiin Gareth Bale, Paul Pogba, Andres Iniesta, Eden Hazard, Kevin De Bruyne, Mesut Ozil iyo xidigo badan oo kale ayaan nasiib u yeelan in ay ka soo muuqdaan shaxda kooxdii ugu fiicnayd ee Euro 2016 ee ay soo saartay UEFA. Xulka qaranka Portugal ayaa ah xulka xidigaha ugu badan shaxdan ku leh waxaana ugu jira afar ciyaartoy oo kala ah Ronlado, Pepe, goolhaye Patricio iyoRaphaëlGuerreiro.

Xulka qaranka Germany ayaa isna shaxdan ku leh saddex ciyaartoy waxaana ugu jiraJérômeBoateng,Joshua Kimmich iyo Toni Kroos halka marti galiyaasha France ay ugu jiraan laba ciyaartoy oo kala ahAntoine Griezmann iyo Dimitri Payet waxaana shaxda dhamaystiran laba xidig oo ka soo jeeda Wales oo kala ahAaron Ramsey iyo Joe Allen.

Shaxda Kooxdii Euro 2016 Ugu Fiicnayd: (4-2-3-1):RuiPatrício(Portugal); Joshua Kimmich (Germany),JérômeBoateng (Germany), Pepe (Portugal),RaphaëlGuerreiro (Portugal); Toni Kroos (Germany), Joe Allen (Wales); Antoine Griezmann (France), Aaron Ramsey (Wales), Dimitri Payet (France); Cristiano Ronaldo (Portugal).