Xukumadda Somaliland Oo Shaacisay Mawqifka Ay Ka Taagan Tahay Hay'adda Nile Academy Kana Leexatay Go'aankii Dawlada Somaliya

0
Tuesday July 19, 2016 - 16:17:56 in by salman abdi
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Somaliland Oo Shaacisay Mawqifka Ay Ka Taagan Tahay Hay'adda Nile Academy Kana Leexatay Go'aankii Dawlada Somaliya

    Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay dalka ka saari doonin hay'adda Nile Academy oo dugsi waxbarasho ku leh magaalada hargeysa taasi oo dawlada somaliya amartay in dalkeeda laga saaro, kadib markii ay sheegtay in Mr Gullen oo lagu eedeey i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay dalka ka saari doonin hay'adda Nile Academy oo dugsi waxbarasho ku leh magaalada hargeysa taasi oo dawlada somaliya amartay in dalkeeda laga saaro, kadib markii ay sheegtay in Mr Gullen oo lagu eedeey inqilaabkii Turkiga uu madax u yahay hay'addan. Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo u waramay wargeyska Geeska Africa ayaa sheegay inaanay Somaliland dalkeeda ka saari doonin Nile Academy ,madaamada aanay wax dhiba u gaysan kana galin Somaliland isla markaaana aanay jabin shuruudihii dalka , waxaana wasiirka oo arimahaasi ka hadlayaa uu yidhi sida tan.



"Innagu waxaynu nahay wadan sharci leh,cidii sharciga jabisana waxa la marinayaa waxuu sharcigu ku yidhaahdo. Umadd sharci ku dhaqanta ayaynu nahay cidna dhibaatayn mayno ilaa ay sharcigeena jabiyaan, hadii ay jabiyaana maxkamada ayaa go’aamin doonta waxii laga yeeli lahaa. Nile Academy hadii aanay sharcigeen a jabin oo aanay dambi inaga galin kama eryi karno wadankeena. Kumana tacadiyi karno, inaga Somaliland baa inala yidhaahdaa ee somaliya la inama yidhaahdo, soomaliyana teeda aya khuseysa ee teenu ma khusayso”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.
Wasiir Sacad Cali Shire waxuu kale oo ka hadlay weerarkii maleeshiyaadka puntland shalay subax kusoo qadeen ciidamada qaranka Somaliland waxaana uu yidhi.
"Maanta (Shalay) todobadii ayay ciidamo puntland soo weerareen ciidankeena, iyagoo kasoo weeraray meel dhahar u jirta 30Km, ciidankeenu wuu is difaacay, ciidanki soo weerarayna dib ayuu u riixey, inagu hadaynu nahay Somaliland waxaynu xaq u leenahay inaynu ilaashano xuduudeena, inagu waxaynu aaminsanahay kuwada noolaanshaha nabadeed iyo xaq-dhawrka xuduudaha . Xuduudo aynaan lahayna kumaynu talaabin , cidii inooga soo talawdana waxaynu xaq u leenahay inaynu iska difaacno marka ugu horeysana waxaanu puntland ugu baaqaynaa inay weerarka joojiso oo nabada iyo xasiloonida ilaaliso, ciidamadeenana waxaan ku boorinayaa inay qaranka difaacaan meel kaste oo ay joogaan”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Sacad Cali Shire.

Source: Geeska