Dawlada Tanzania Oo Shaqalaheedi Ku So Rogtay Sharci Cusub Iyo Sababta Ka Danbaysa.

0
Saturday July 23, 2016 - 08:16:45 in by salman abdi
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Tanzania Oo Shaqalaheedi Ku So Rogtay Sharci Cusub Iyo Sababta Ka Danbaysa.

    Shaqaalaha dowladda dalka Tanzania ayaa halis ugu jiro in aysan helin mushaaraadkooda bishan Luuliyo haddii aysan la imaan shahaadooyinkooda waxbarasho iyo dukumeentiyadooda shaqada. Wasaaradda maareynta adeegga dadweynaha iyo dowlad wanaagga dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha dowladda dalka Tanzania ayaa halis ugu jiro in aysan helin mushaaraadkooda bishan Luuliyo haddii aysan la imaan shahaadooyinkooda waxbarasho iyo dukumeentiyadooda shaqada. Wasaaradda maareynta adeegga dadweynaha iyo dowlad wanaagga dalkaasi ayaa sheegtay in arintani looga golleeyahay in diiwaanka shaqaalaha dowladda looga saaro shaqaalaha been abuurka ah ee dowladda mushaaraadka ka qaata.


Ma cadda goorta sida rasmiga ah loo shaaciyay shardigan cusub, balse qaar badan oo ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha dowliga ee Tanzania ayaa arrintan ku wargaliyay shaqaalahooda.

Wasaaradda maareynta adeegga dadweynaha iyo dowlad wanaagga ee dalkaasi ayaa shaqaalaha dowladda u sheegtay in looga baahan yahay shahaadooyinkooda waxbarashada ugu dambeyn 24-ka bishan July, kuwa aan sidaa samayna ay waayi doonaan mushaarkooda.

Wasiirka wasaaradaasi, Angellah Kairuki, ayaa sheegtay in 3,600 oo shaqaalaha dowladda ah aanay bishan mushaar heli doonin, ka dib markii ay sheegeen in aanay heysan shahaadooyin waxbarasho.

Ururka u doodda xuquuqda shaqaalaha dalkaasi oo magaciisa loo soo gaabiyo TUCTA, ayaa cambaareeyay amarka dowladda kasoo baxay, waxaana uu ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xaqa ay shaqaalaha u leeyihiin mushaarka ay shaqaysteen.

Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Magufuli, ayaa waxa ay dowladda Tanzania xoogga saaraysay in ay meesha ka saarto shaqaalaha mushaarka keliya u yimaada, kuwaasoo la sheegay in sanad waliba ay ku baxdo lacag dhan 20 milyan oo dollar.

Ilaa iyo hadda, 10,000 oo ka mid ah shaqaalahaasi ayaa laga saaray diiwaanka dowladda.