Dawladda Turkiga Oo Ugu Baaqday Maraykanka In La Soo Dedejiyo Soo Wareejinta Wadaadka Fethullah Gulen.

0
Saturday July 23, 2016 - 08:32:37 in by salman abdi
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Turkiga Oo Ugu Baaqday Maraykanka In La Soo Dedejiyo Soo Wareejinta Wadaadka Fethullah Gulen.

    Wasiirka arrimaha dibada dowlada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowlada Maraykanka aysan u baahnayn sanado badan sidii ay ugu soo wareejin lahayd ganacsadaha reer Turkey Fethullah Gulen kaasoo ay dowlada Maraykanka ku eedeysay inuu mas'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibada dowlada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowlada Maraykanka aysan u baahnayn sanado badan sidii ay ugu soo wareejin lahayd ganacsadaha reer Turkey Fethullah Gulen kaasoo ay dowlada Maraykanka ku eedeysay inuu mas'uul ka ahaa inqilaabkii dhicisoobay.




Fethullah Gulen ayaa cambaareyay isku daygii lagu doonayay in lagu afgambiyo dowlada Turkiga waxana uu beeniyay inuu ku lug lahaa afgambigaas.

Dowlada Maraykanka ayaa waxa ay sheegtay in dowlada Ankara ay marka hore keenaan cadeyn sax ah oo ah inuu Gulen ku lug lahaa afgambiga,waxayna sheegeen qareenada in ay qaadan karto sanado sidii loogu soo wareejin lahaa Gulen dowlada Turkiga.

"Haddii aad dooneysid in waqti dheer uu jiitamo soo dhoofinta Gulen waa ay qaadan kartaa sanado badan,balse haddii aad dooneysid in aad go’an karto waqti kooban ayay ku dhamaan kartaa soo wareejintaas,”ayuu u sheegay Cavusoglu wakaalada wararka ee  TRT Haber.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Cavusoglu ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada Giriigga inay u soo gacan geliso ciidamadii u baxsaday dalkaas kadib afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga. Maxkamad ku taal dalka Giriigga ayaa ku xukuntay ciidamadaas min labo bil oo xarig ah siddeed askari oo Turkiyiin ah.

Turkiga ayaa waxa ay ugu yeertay ciidamadii u cararay dalka Giriigga inay yihiin qaa’imiin iyo argagaxiso. Dowlada Giriigga ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso codsi ay dadkaas ku weydiisteen in la siiyo magangalyo iyadoo xustay in si degdeg ah go’aan ugaga gaari doonto.