Aabo Galaftay Saddax Ciyaala U Dhalay Iyo Naftiisa Oo Khatar Gashay Oo Ka Dhacday Magalada Hargaysa

0
Saturday July 23, 2016 - 15:27:03 in by salman abdi
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabo Galaftay Saddax Ciyaala U Dhalay Iyo Naftiisa Oo Khatar Gashay Oo Ka Dhacday Magalada Hargaysa

    Wararrasmi ah oo aanu ka helnay masuuliyiinta cusbitalka guud ee Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey ay jirto soona gaadheen saddex caruura oo mayd ah iyo Aabohood oo dhaawac ah, ka dib markii uu guriga ku gubay aabahaasi saddexda caruura oo ay hooyadood ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararrasmi ah oo aanu ka helnay masuuliyiinta cusbitalka guud ee Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey ay jirto soona gaadheen saddex caruura oo mayd ah iyo Aabohood oo dhaawac ah, ka dib markii uu guriga ku gubay aabahaasi saddexda caruura oo ay hooyadood ka maqnayd, halkaasina ay ku naf waayeen.


 

Shilkan ayaa ka dhacay agaga gaarka idaacada Radiyo Hargeysa abaaro 9 kii subaxnimo ee maanta oo Sabti ah In-naa lilaahi Wa in-naa ilaahi raajucuun, Shilkan naxdinta leh ayaa ila wareedyo xogogaal ah oo aanu waraysaynay noo xaqiijiyeen in aabahini uu ka xanaaqay kuna talaabsaday falkan argagaxa leh, muran ka dhashay dhaxal u dhexeeyey isaga iyo qoyskiisa,

kaasoo ay Eedadii ku amartay inuu guriga uu ku jiro baneeyo madaama dhaxal ahaan la qaybinayo, isna uu jawaab uga dhigay shilkan argagaxa iyo naxdinta ku abuuray shacbi weynaha Somaliland gaar ahaan kuwa caasimada.