Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya oo khudbad ka jeedisay Carwada Caalamiga ah ee bandhiga Buugta Hargeysa

0
Saturday July 23, 2016 - 17:34:01 in by Burco Office
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya oo khudbad ka jeedisay Carwada Caalamiga ah ee bandhiga Buugta Hargeysa

    Safiir Ku-xigeenka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, qaabilsanna arrimaha Somaliland Cat Evans oo ka khudbad ka jeedisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiir Ku-xigeenka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, qaabilsanna arrimaha Somaliland Cat Evans oo ka khudbad ka jeedisay  Carwada caalamiga ah ee bandbiga Buugta Hargeysa ayaa ka hadashay muhiimada carwadani leedahay, iyada oo u mahadnaqday soo abaabulayaasha.
Safiirka ayaa waxa ay ka hadashay xidhiidhka Ingiriiska ee Somaliland iyo sidoo kale muhiimada hal ku diga sanadkan lagaga hadlayo bandhiga buugta Caalamiga ah ee Hargeysa, kaasi oo ah Hogaaminta iyo Hal-abuurka.
Safiirka ayaa waxa ay sheegtay inay ku hanwayn tahay inuu bandhiga buugta caalamiga ah ee Hargeysa horumar bulsho keeno, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi "Hogaaminta iyo hal-abuurku waa halka bulsho laga horumariyo, taasina waa sababta aanu ugu han waynahay bandhiga buugta caalamiga ah ee Hargeysa”.
Safiirka ayaa ugu dambayn u mahadnaqday abaabulayaasha bandhigan, waxaanay tidhi "Waxaan u mahadnaqayaa Jaamac iyo kooxdiisa ee soo abaabushay bandhigan caalamiga ah”.