Magaca iyo Sawirka Ninkii ka Dambeeyay Weerarkii Jarmalka oo la shaaciyay

0
Saturday July 23, 2016 - 20:06:29 in by Burco Office
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaca iyo Sawirka Ninkii ka Dambeeyay Weerarkii Jarmalka oo la shaaciyay

    Baaritaano horu dhac ah ay sameeyeen ciidamada booliiska dalka Jarmalka ayaa lagu shaaciyay magaca iyo muuqaalka wiilkii ka dambeeyay weerarkii dada badan lagu dilay ee xalay ka dhacay xarun laga dukaameesto oo kutaala magaalada Munich.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaano horu dhac ah ay sameeyeen ciidamada booliiska dalka Jarmalka ayaa lagu shaaciyay magaca iyo muuqaalka wiilkii ka dambeeyay weerarkii dada badan lagu dilay ee xalay ka dhacay xarun laga dukaameesto oo kutaala magaalada Munich.

Ali David Sonboly, oo asal ahana kasoo jeeda dalka Iiraan ayaa la sheegay in uu ahaa ruuxii ka dambeeyay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Munich ee lagu dilay 9-qof tiro intaa ka badana lagu dhaawacay.

Booliska gobolka Bavarian ee dalka Jarmalka, ayaa baaritaano ay sameeyeen waxa ay ku sheegeen in weerarkii xalay ka dhacay magaalada Munich uusan wax lug ah ku laheyn Kooxda Islaamiga ee Daacish oo la tuhmayay in weerarkaai ka dambeysay.


Masuuliyiinta booliska oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay baadheen gurigii uu deganaa, isla markaana aanay ka helin wax muujinaya inuu xidhiidh la lahaa ururada argagixisada, laakiin waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in weerarkaasi uu isaga ku koobnaa.

Ali David Sonboly, ayaa ku dhashay magaalada Munich, waxaana looga jiray maskaxda isaga oo ku jiray daryeelid caafimaad. Waxaana kooxaha baadhista wada ay sheegayaan inay u malaynayaan inuu weerarkan ku kellifay wareer dhinaca maskaxda ah.

Wiilalkan weerarka geestay ayaa ugu dambeyn la sheegay in uu madaxa iska toogtay, mana jiraan wax muuqaal iyo fariin uu reebay wiilkan oo ku aadan weerarka uu ka geestay xarunta ganacsi ee kutaala Magaalada Munich.