Shir Baladhan Oo Ay Ku Yeesheen Xisbiga Kulmiye North London+Sawiro

0
Monday July 25, 2016 - 22:08:02 in by salman abdi
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Baladhan Oo Ay Ku Yeesheen Xisbiga Kulmiye North London+Sawiro

    Shir baladhan oo laanta North London ee Xisbiga kulmiye qabsatay ayaa lagu soo dhaweeyay xubno culculus oo miisan ku leh siyaadadda Somaliland ugu horeyn London (BurcoOnline) 25.07.2016 Shir baladhan oo laanta North London ee Xisbiga kulmiye qab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir baladhan oo laanta North London ee Xisbiga kulmiye qabsatay ayaa lagu soo dhaweeyay xubno culculus oo miisan ku leh siyaadadda Somaliland ugu horeyn London (BurcoOnline) 25.07.2016 Shir baladhan oo laanta North London ee Xisbiga kulmiye qabsatay ayaa lagu soo dhaweeyay xubno culculus oo miisan ku leh siyaadadda Somaliland ugu horeyn



gudoomiyaha waqooyiga London muddane Cabdilahi Cige yaa soo dhaweeyay xubnaha xisbiga ku soo biiray oo uu hogaaminaya Mudane Koosar Caydiid oo ahaa Guddomiye Xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID horene u haa Guddomiyhii ugu horeeyay ee ururkii Xaqsoor.
Guddomiyaaha laanta Waqooyiga London ayaa ka waramay wax qabadka laanta iyo sida ay ugu diyaar garoobeen ololaha doorashada ee soo socda, waxa uuna xaqiijiyay in ay diyaariyeen lacagtii taageerada xisbiga ee billaha ahayd taas oo ay sheegeen in ay ku soo shubeen accounta xisbiga.

 

Dhinaca kale waxaa war bixin dheer ka akhriyaya madasha Muddane Maxamed Dahir Khayre oo ka mid ah haldoorka xisbiga ee UK oo in muddo ah wadankii hooyo ku maqna , Maxamed wax uu dul istaagay halka ay hawluhu maryaan guddihi iyo sida looga diyaar garoobayba isaga oo ku guubaabiyay laamaha xisbiga in ay guntiga dhiisha iska dhigaan oo ay dadaal dheerad ah sameeyan.
 
Koosar Caydiid oo xisbig kulmiye ku soo biiray ayaa ka sheekeeyay sababta u ku doortay in uu kulmiye ku soo biro, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu xisbiga kulmiye ka qaadan doono doorkiisa kuna biirin doono muruq iyo maal iyo maskaxba.

Afheeynka xisbiga kulmiye UK Muddane Maxamed Cabdi Adam ayaa isna soo dhaweeyay xubnaha ku soo biiray Xisbiga , waxaanu aad u hambalyeeyey laanta waqooyiga London iyo dedaalkeeda waxaanu sheegay in maanta laamaha xisbigu ay marayaan halkii ugu saraysay waxqabadkoodana uu muuqdo. Sidoo kale madaxa abaabulka iyo wacyih galinta xisbig kulmiye uk muudan Yaasin Farax ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay laga maarman u tahay wax tarka laamaha kulmiye uk , sidii ay hore ugu qayb qaateen doorashooyinkii hore iyo sida looga fadhiyo kaalintooda maanta.

Guddomiyaha Xisbiga kulmiye UK muddane Xariir Xirsi Adar ayaa si balaadhan u soo dhaweeyaya taageerayasha iyo xubnaha miisaanka leh e xisbiga ku soo biiray, waxaa uu sheegay in uu xisbiga maalin walba sii kasbanayo kalsoonida shacbiga iyo siyaasiyiinta, waxaanu tusaale u soo qaatay Koosar iyo xubnaha la socday. Guddoomiyuhu waxa uu ammaanay laaamaha xisbiga kulmiye UK iyo dadaalkooda muuqda, waxa uu ku guubaabiyay in ay taageerayaasha xisbigu ay qaataan ID Card-ka xisbiga si ay u sugaan xubin nimadooda. Waxaa iyana madashii ka hadlaya gudoomiyah Garabka Haweenka Xisibga kulmiye marwo Amran Bile iyo xubna kale oo dhamaantood halkaa ka jeediyay qudbado muhiim ah.

Yasin Farax Jees
Madaxa Warfaafinta Kulmiye UK