Mudaharad Caawa Ka Dhacay Magalado Xebeedka Berbera

0
Monday July 25, 2016 - 22:24:03 in by salman abdi
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharad Caawa Ka Dhacay Magalado Xebeedka Berbera

    Dadweynaha Ku dhaqan Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil ayaa caawa mudaharaad laxaad leh dhigay, kaas oo salka ku hayay sida ay uga xun yihiin xukunka maxkamada milatariga somaliland ay ku gooysay in 8 nin oo loo tuhmayay dilka taliyihii ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha Ku dhaqan Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil ayaa caawa mudaharaad laxaad leh dhigay, kaas oo salka ku hayay sida ay uga xun yihiin xukunka maxkamada milatariga somaliland ay ku gooysay in 8 nin oo loo tuhmayay dilka taliyihii ciidamada Booliska ee gobolka saaxil ay ka dambeeyeen.


 

Dadweynahan Mudaharaadka dhigayay ayaa jidadka magaaladda Berbera isugu soo baxay, waxaanay gubeen taayiro iyaga oo ku qaylinayay weedho ka dhan xukuumada Talada somaliland haysa.

sidoo kale dadweynaha ku dhaqan Degmada Sheekh oo kala qaybisa magaalooyinka Burco iyo Berbera ayaa dadkeedu ay isu soo bax hakad geliyay isku socodka labada magaalo dhigeen, waxaanay muddo dheer xanibeen gaadiidka kala duwan ee ka soo degayay buurta iyo kuwii sii fuulayay labadaba.

mudaharaadkan labada magaalo ka dhacay ayaa ah mid isku sidkan, waxaanay dadku si aad ah uga biyo diideen xukunka maxakamada milatariga oo ay ku sheegeen in ay tahay mid cadaawad u qaaday dadka deegaanka