Gerrard Oo difaacay Rooney Kuna Tilmaamay Hadalkii Paul Scholes Mid Meel Ka Dhac Ah,Arsene Wenger oo Ogolaaday in saddax sanno uu sii joogo kooxda Arsenal

0
Saturday May 31, 2014 - 09:53:17 in by Super Admin
  • Visits: 1391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gerrard Oo difaacay Rooney Kuna Tilmaamay Hadalkii Paul Scholes Mid Meel Ka Dhac Ah,Arsene Wenger oo Ogolaaday in saddax sanno uu sii joogo kooxda Arsenal

    Kooxda Arsenal Oo markan dooneysa difaac ka tirsan Atletico Madrid, Ciyaaryahano caan ah oo Tijaabiyey kubadda lagu ciyaari doono Koobka Adduunka iyo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal Oo markan dooneysa difaac ka tirsan Atletico Madrid, Ciyaaryahano caan ah oo Tijaabiyey kubadda lagu ciyaari doono Koobka Adduunka iyo...

Kabtanka Xulka qaranka England Steven Gerrard ayaa rumeysan in Paul Scholes ku qaldan yahay inuu yidhaahdo weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney markii hore ayuu ka wanaagsanaa sida uu haatan yahay. Scholes ayaa su’aal culus ka keenay qaab ciyaareedka xiddigii hore ee isku kooxda ahaan jirayn, inkastoo 28-jirkan xilli ciyaareedkii dhamaaday 19 jeer shabaqa soo taabtay dhamaan tartamada.

Laakiin kabtanka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Three Lions ee Steven Gerrard ayaa difaacay Rooney, kaasoo labadii koob adduun ee kan ka horeysay ku fashilmay inuu shabaqa soo taabto, waxuuna Gerrard sheegay in xilligaas uu ciyaaryahanka qabay dhaawacyo, balse carabka ku dhuftay inuu noqon doonto shumaca ifin doona Brazil "Paul Scholes wuu u gefay Rooney. Waxuu ahaa xiddigii ugu fiicana Manchester United haddii ay noqon lahayd gudaha iyo yurub. Waxuuna qaab ciyaareedkiisana ahaa mid wanaagsan,” ayuu Gerrard yidhi :Maxaan arkay wax qabadkiisii koooxda Manchester United, qaab ciyaareedkiisa waxuu ahaa runtii mid wanaagsan.”

Si kastaba, hadaladaan ayaa imaanaya xilli kulamada ugu soo horeeya ee koobka adduunka ay England wajihi doonto xulalka Uruguay, Italy iyo Costa Rica oo ay kuwada jiraan Group D.

Tababare Arsene Wenger oo Ogolaaday in saddax sanno uu sii joogo kooxda Arsenal

Tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa qalinka dul-dhigi doona qadaraas cusub maalmaha soo aadan, kaddib markii ay kooxda isku afgarteen waqtiga mudda uu socon doono heshiiska cusub ee uu kooxdan la galayo. Wenger ayaa soo afjaraya shakigii ka taagnaa mustaqbalkiisa kooxda Waqooyiga London kaddib ku guuleysigii FA Cup horaantii bishan, waxana lagu wadaa in kooxda uu sii joogo tan iyo 2017ka.

 

Waxaa hore u jiray in 64 jirkan reer France uu kooxda ka tagi doono hadii uu ku fashilmo in uu soo afjaro Abaarta Koob la’aanta ee kooxda heysatay muddo sagaal sanno ah, laakiin Wenger ayaa guushii Wembley kaddib balanqaaday in uu sii joogi doono Waqooyiga London.

Sportsmail ayaa sheegeysa in Wenger uu saxeexi doono heshiis uu mushahar ahaan ku qaadan doono 8 milyan oo gani halkii xilli ciyaareed. Sidoo kale Arsenal ayaa u qorsheysay in 100 milyan oo gani ay farta ka saarto Macalinkan taasi oo ka dhigan misaaniyadii ugu badneyd ee Arsenal ugu talagasho suuqa taariikhda.

Kooxda Arsenal Oo markan dooneysa difaac ka tirsan Atletico Madrid

Kooxda Arsenal ayaa markaan u dhaqaaqay inay la soo saxeexato difaaca naadiga Atletico Madrid Juanfran, kaasoo ay ku dooneyso adduun dhan £9m. Kooxda Gunners ayaa la sheegayaa inay Juanfran u aragto bedelka Bacary Sagna, kuwaasoo dhawaan la xaqiijiyey inuu ka tagi doono kooxda Arsenal xagaagan.

 

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegtay jariiradda The Mirror, 29-sano jirkan reer Spain ayaa doonaya inuu sii joogo caasimadda Spain, balse tababare Wenger ayaa u qoondeeyay dambeedkiisa cusub ee middig.

Tababare Arsene Wenger ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo daafaca Schalke 04 ee Atsuto Uchida.

Difaaca Juanfran ayaa heshiiskiisa uu ku joogo garoonka Vicente Calderon waxaa uu ku egyahay sannadka 2017-ka.

Ciyaaryahanadda Lionel Messi, Iker Casillas, Bastian Schweinsteiger iyo Zinedine Zidane Oo Tijaabiyey kubadda lagu ciyaari doono K/Adduunka

Shirkadda Qalabka Isboortiga samaysa ee Adidas ayaa soo bandhigtay Kubadda gaarka ah ee lagu ciyaari doono dhammaadka Koobka Adduunka ee Rio de Janeiro.

 ssss

Kubaddan oo lagu magacaabo (Barazuca Final Rio) oo ka kooban Midabada Cagaarka iyo Dahabiga ayaa 13 July waxaa ku ciyaari doona labada kooxood ee u soo baxda Final-ka, waxaana kubadda lagu tijaabiyay Horyaallo badan ka hor intii aan loo dooran in lagu ciyaaro Koobka Adduunka sida Horyaalka Jarmalka iyo Horyaalka Mareykanka, waxaana ku ciyaaray in ka badan 600 ciyaartooy.

Kooxaha caanka ah ee Yurub ee kubaddan labada sano iyo bar-ka laga soo shaqeynayay soo isticmaalay waxaa ka mid ah; AC Milan, Bayern Munich iyo kooxaha Ameerika sida LA Galaxy, Palmeras iyo Fluminenese. Dhinaca kale ciyaartoyda ku ciyaartay kubaddan waxaan iyagana ka mid ah; Lionel Messi, Iker Casillas, Bastian Schweinsteiger iyo Zinedine Zidane ootijaabo gaar ah ka qaaday.







Afkashacabka.com/ Sports
Contact@afkashacabka.com