Nin Toorey ku hubeysan oo goor dhow dad fara badan ku laayey duleedka magaalada Tokyo+Sawiro

0
Tuesday July 26, 2016 - 08:50:42 in by salman abdi
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Toorey ku hubeysan oo goor dhow dad fara badan ku laayey duleedka magaalada Tokyo+Sawiro

    Xalay saqdii dhexe ah ku soo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in weerar lagu laayey dad fara badan uu ka dhacay duleedka magaalada Tokyo ee wadanka Jaban. Weerarkan oo dhacay 2:30am xiliga wadankaas ayaa waxaa geystay nin toor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalay saqdii dhexe ah ku soo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in weerar lagu laayey dad fara badan uu ka dhacay duleedka magaalada Tokyo ee wadanka Jaban. Weerarkan oo dhacay 2:30am xiliga wadankaas ayaa waxaa geystay nin toorey ku hubeysan oo dilay ugu yaraan 19 ruux, isagoo dhaawacay 45 kale, iyadoo ninka weerarkan fuliyey ay gacanta ku dhigeen booliska. Sida warku sheegayo weerarkan ayaa ka dhacay xarun lagu xanaaneeyo dadka naafada ah oo ku taalla degaanka Sagamihara ee duleedka magaalada Tokyo.


Labaatameeyo ka mid ah dadka dhaawaca ah ayey xaaladoodu aad u liidataa, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu sii badato sida ay sheegayaan saraakiisha caaimaadka iyo kuwa gurmadka deg deg ah ee magaalada Tokyo

Ninka weerarkan geystay oo 26 jir ah ayaan la ogeyn illaa hadda sababta uu u laayey dadkan naafada ah, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegayaan inuu ku qeylinayey intii uu dadka leynayey ereyo ay ka mid ahaayeen (Waxaan doonayaa inaan ka takhaluso dadka naafada ah ee dunida ku nool).

Booliska Japan ayaa sheegaya iney baarayaan dhacdadan naxdinta leh ee lagu laayey dad awalba naafo ahaa, iyadoo weerarada noocan ah aan looga baran iney ka dhacaan wadanka Japan.

Wixii warar ah ee ku soo kordha wararkeena ugu horeeya kala soco Insha ALLAAH.