War Degdeg ah: Qaraxyo Waaweyn oo ka Dhacay Garoonka Aadan Cadde Airport ee Muqdisho

0
Tuesday July 26, 2016 - 09:22:41 in by salman abdi
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Qaraxyo Waaweyn oo ka Dhacay Garoonka Aadan Cadde Airport ee Muqdisho

    Waxaa goordhawayd labo qarax oo aad u xoogan loona maleenayo in ay yihiin Ismiidaamin ay ka dhaceen agagaarka garoonka Diiyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhawayd labo qarax oo aad u xoogan loona maleenayo in ay yihiin Ismiidaamin ay ka dhaceen agagaarka garoonka Diiyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho


Qaraxyadan ayaa ahaa kuwa aad u xoogan si weyna looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada kadib aagaasi laga maqlay rasaas aan la ogeyn waxa ay tahay iyo cida rideysa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxyada ka dhaceen meel aad ugu dhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana bur bursoo garayaqeybo kamida garoonka gaar ahaan xafiisyo lagu shaqeenayay.


Qaraxyada oo labo ahaa ayaa mid kamid ah ka dhacay koontarool kuyaala halka loo yaqaan Madina Gate oo ah wadada katimaada dhinaca Denwadaagaha soona gasha Xarunta Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida iyo AMISOM ayaa soo buux dhaafiyay halka ay ka dhaceen qaraxyadan xoogan, waxa ayna wadaan ciidamo baaritaano iyagoona guud ahana laamiga xiray.

Wali si rasmi ah looma oga in weerarka lagu qaaday xarunta Xalane ama Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo labadaba isku dhagan, waxaana weerarkan ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.