Badhasabka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Dad Loo Xidhay Weerarkii Guddoomiyaha Shirkadda TELESOM Ee Laascaanood.

0
Saturday July 30, 2016 - 14:56:27 in by salman abdi
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasabka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Dad Loo Xidhay Weerarkii Guddoomiyaha Shirkadda TELESOM Ee Laascaanood.

    Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cadi Ciise(Shiine),ayaa ka hadlay toogasho habeen hore lagu dhaawacay Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Sool ahna Maamulaha Shirkadda TELESOM ee Gobolka Sool Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco), oo koox dabley ahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cadi Ciise(Shiine),ayaa ka hadlay toogasho habeen hore lagu dhaawacay Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Sool ahna Maamulaha Shirkadda TELESOM ee Gobolka Sool Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco), oo koox dabley ahi ay ku dhaawacday gudaha magalaada Laacsaanood xilli uu ka soo baxay Salaaddii Maqrib isla markaana uu ku soo socday xarunta Telesom.


sawirka-warka-koowaad

Guddoomiye Mustafe Shiine waxaa uu sheegay in toogashada Ganacsadaha loo qabtay dhawr qofisla markaana ay baadhista dhacdadaasi ay socoto oo ay gacanta ku hayaan ciidanka boolisku.

"Toogashadaasi way dhacday waxaana ku dhaawacmay Guddoomiyaha Ganacsatada gobolka Sool ahna Maamulaha Telesom ee gobolka, dhaawiciisana imika waxaa lagu dawaynayaa Hargeysa oo loo soo qaaday, halkaana waxaa loo qabtay oo imika u xidhan dhawr qof oo loo tuhmayo in ay gacan ku lahaayeen toogashada laakiin lama qaban dadkii fuliyay falka ciidankuna baadhista arrinaa way ku gudo jiraan markay u soo dhammaato ayaanan ka hadli doonaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool oo khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN. Waxa la sheegay in Ganacsadahan dhaawac ka soo gaadhay Luqunta hoosteeda.

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay gobolka ka jirto saamayn ay dhacdadani gku keentay nabad-gelyada,waxaanu kaga jawaabay "Maya, wax saamayn ah kumay keenin meel kastana dilka iyo toogashadu way ka dhacaan oo Maraykan ayay ka dhacdaa oo Hargeysa ayay ka dhici kartaa.”

"Markaa nabad-gelyda iyo toogasho mar dhacday wax isku xidhan maaha ammaan ahaanna gobolku aad ayuu u wanaagsan yahay dhacdadanna baadhitaankeedii wuu socdaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).