DIYAARAD LAGA LEEYAHAY ETHIOPIA OO LA AFDUUBAY IYO CIDDA AFDUUBKA GEYSATAY

0
Monday February 17, 2014 - 12:08:04 in by Super Admin
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIYAARAD LAGA LEEYAHAY ETHIOPIA OO LA AFDUUBAY IYO CIDDA AFDUUBKA GEYSATAY

    Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee waddanka swizerland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee waddanka swizerland Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switserland kaddib marki la afduubay.

Boliiska Switzerland ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan oo ay leedhay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya. " Xaaladu waa mid degan Rakaabkii iyo Shaqaalaha diyaaradduna way nabad qabaanā€¯ ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Booliska Madaarka.

Afhayeenka Dawladda Ethiopia Ridwaan Xuseen oo la hadlay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in Diyaaraddu marka dul maraysay Magaaladda Khartuum ee caasimada Sudan la afduubay. Waxa uu sheegay inaanay ogayn tirada dadka afduubay iyo sababta loo afduubay midna, balse Dawladda Swiserland ay sheegtay in la xidhay Dadka afduubka gaystay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dadka Afduubka gaystay ahaayeen Dad magan galyo doon ah.