Hordhac Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Arsenal vs Liverpool Ee Super Sunday

0
Sunday August 14, 2016 - 09:49:11 in by Burco Office
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Arsenal vs Liverpool Ee Super Sunday

    Arsene Wenger oo dhibaato dhanka daafaca ah qaba taasoo hoos u dhigi karta awoodda kooxdiisa kulanka maanta marka ay wajahaan ciidanka Jurgen Klopp oo dhoola tus ku sameeyay garoonka Wembley bilowgii bishaan markii ay xasuqeen Barcelona, balse Gunner

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger oo dhibaato dhanka daafaca ah qaba taasoo hoos u dhigi karta awoodda kooxdiisa kulanka maanta marka ay wajahaan ciidanka Jurgen Klopp oo dhoola tus ku sameeyay garoonka Wembley bilowgii bishaan markii ay xasuqeen Barcelona, balse Gunners ayaan qudheeda liidan madama ay Sweden kusoo kala dirtay ciidankii Pep Guardiola.


Si kastaba kadib kulankaas Arsene Wenger wuxuu waayay Gabriel Paulista, sidoo kalana Laurent Koscielny iyo Per Mertesacker wuu seegi doonaa taasna waxey ku qasbeysaa macalinka reer France inuu ciyaartoy da’yar dheelsiiyo daafaciisa sida Rob Holdin iyo Chambers.


Si kastaba Gunners iyo Reds ayaa isku fara saari doona maanta garoonka Emirates waana kulanka ugu weyn kulamada furitaanka horyaalka Ingiriiska, goob joog baana loo noqon doonaa kooxdii ay guusha dhankeeda beegsato.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Arsenal vs Liverpool

Tartanka:Premier League

Garoonka:Emirates Stadium

Saacadda:6:00 Maqribnimo (XGA)

Garsoore:Michael Oliver (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Mertesacker, Danny Welbeck, Gabriel Paulista iyo Carl Jenkinson ayaa dhamaantood dhaawacyo kala duwan ku seegi doona kulanka maanta, halka Olivier Giroud, Laurent Koscielny iyo Mesut Ozil loo maleynayo ineysan taam u ahaan karin madama ay dhawaan tababarka yimaadeen. Sadexdaas ciyaartoy ayaala siiyay fasax dheeraad ah madama ay kusoo daaleen Euro 2016.

Granit Xhaka iyo Rob Holding ayaa diyaar u ah iney saftaan kulamadooda ugu horeeya EPL-ka, halka Wilshere qudhiisa uu rajeynayo inuu soo muuqdo.

Dhanka kale Dejan Loven ayaa tababarka dib ugu soo laabtay isagoo diyaar u ah inuu wajaho Gunners, sidoo kalana Marko Grujic ayaa isna tababarka kusoo laabtay, balse James Milner iyo Daniel Sturridge ayaa la filayaa iney seegaan ciyaartaan.

MA OGTAHAY:

Arsenal ayaa lumisay kaliya hal kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Liverpool ku wajahday kulamada Horyaalka Ingiriisak, 4-guul, 4-barbaro iyo1 -guuldaro.

Liverpool ayaa kaliya guul soo gaartay hal jeer, 20-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay u safarto Gunners dhaman tartamada oo dhan (1-guul 8-barbaro 11-guuldaro) kaliyana waxey ka heshay sideed dhibcood, 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Emirates kusoo ciyaartay kulamada Premier League-ga.

Gunners ayaa lumisay kaliya laba kulan 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada furitaanka ku ciayartay gurigeeda (10-guul 3-barbaro).

Liverpool ayaa ah kooxda ugu badan ee dhalisay goolasha ugu badan Premier Leageu-ga sanadka 2016 (41-gool) ayey dhaliyeen.

Roberto Firmino ayaa ka qeyb qaatay 13 gool (Sagaal Gool, Afar Caawinaad) 15-kulan oo uu saftay EPL-ka sanadka 2016, waxaana ku jira laba gool oo uu ka dhaliyay Arsenal bishii January.

Xili Ciyaareedkaan waa kii 21-aad ee Arsene Wenger uu maamulo Arsenal tan iyo markii uu shaqada qabtay September 1996 – ma jirro tababarayaasha haatan ku sugan horyaalka mid kooxda uu haatan leyliyo joogay shan xili ciyaareed oo xiriir ah.

SHANTII KULANE E UGU DAMBEYSAY:

Liverpool 3 – 3 Arsenal (Premier League)

Arsenal 0 – 0 Liverpool (Premier League)

Arsenal 4 – 1 Liverpool (Premier League)

Liverpool 2 – 2 Arsenal (Premier League)

Arsenal 2 – 1 Liverpool (FA Cup)

XIDIGAHA UGU MUHIIMSAN LABADA KOOXOOD:

ARSENAL:Alexis Sanchez

Qatarta ugu badan ee Liverpool ay Arsenal kala kulmi karto waa Alexis Sanchez kaas oo kala duwanaashho abuuri kara haduu fursad fiican helo inkastoo uu kusoo daalay Copa America oo uu xulkiisa markii labaad u suuragaliyay inuu ku guuleysto.

LIVERPOOL:Philippe Coutinho

Sida Sanchez uu Arsenal ugu muhiimsan yahay kulankaan, Coutinho ayaa dhankaan ugu muhiimsan, balse wuxuu dagaal culus dhexmari doonaa isaga iyo saxiixa cusub ee Arsenal Granit Xhaka kaas oo mar walba jecel inuu kubadaha dilo, balse Coutinho waa xidgia ugu qatarta badan Liverpool.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal:

Cech; Bellerin, Holding, Chambers, Monreal; Cazorla, Xhaka; Chamberlain, Ramsey, Walcott; Sanchez

Liverpool:

Mignolet; Clyne, Lovren, Klavan, Moreno; Lallana, Can, Henderson; Mane, Firmino, Coutinho