Agaasimaha Waaxda Amniga Ee Wasaaradas Duulista Oo Hambalyo Iyo Talooyin U Diray Gudoomiyaha Cusub Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada BY: Nageeye Mohamed Hassan

0
Thursday August 18, 2016 - 08:28:37 in by salman abdi
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Waaxda Amniga Ee Wasaaradas Duulista Oo Hambalyo Iyo Talooyin U Diray Gudoomiyaha Cusub Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada BY: Nageeye Mohamed Hassan

    Waxaa isku shaandheyntii u danbeysey ee madaxweynaha jamhuuriyada soomaliland sameeyey ay muujisey sida ay madaxweynaha silaanyo uga go'antahey in uu dhalinyarada firfircoon ee qaranka u dhalatey loo dhiibo laguna aamino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa isku shaandheyntii u danbeysey ee madaxweynaha jamhuuriyada soomaliland sameeyey ay muujisey sida ay madaxweynaha silaanyo uga go'antahey in uu dhalinyarada firfircoon ee qaranka u dhalatey loo dhiibo laguna aamino

 mansabayda ugu sarsareeya ee qaran waxaan aad ugu hambalyeynayaa sxbkey sharmaarke geele oo ah runtii shakhsi dhalinyaro oo firfircoon oo aan hubo in uu buuxindoona jagada gudoomiyaha hayada shaqaalaha oo ah jagada ugu muhiimsan ee qaranka ee dhinaca shaqaaleynta maanta marhadii uu madaxweynaha Somaliland nin dhalinyaro ah inoogu dhiibey xilka shaqaaleysiiyaha qaranka waxaan hubaa in sharmaarke geelle uu hanankaro xilkaas.waxaan aad u jecleystey in sxbkey sharmaarke geele aan talooyin aan u arko kuwo muhiim ah halkan u soo mariyo

 

1-   Waxaad ogaataa in aad tusaale u tahey dhamaan dhalinyarad soomaliland taas oo hadii aad xilkaas culus tunka u ridato keeni doonta in dhalinyaro badan oo kale oo kula mid ah ay iyaguna fursad helaan ay mansaabkaas aad gaadhey iyo mid ka sii sareeyaba ku heli karaan 

2-   Waxaa lagugu qasbi doonaa in aad shaqaaleysiisi dad aan soo marin sifo sharci oo wasiir iska soo qor-qortey oo habka keliya ee uu ku soo  xushey tahey hab beeleysan.hadab hadii aad diido oo codsato in sharciga la mariyo oo aad sharciga mariso waad guuleysan lkn hadii aad taa bedelkeeda sidii ay ragii kaa horeeyey samey jireen aad liiska qaar ku darsato adna markaas waaa marka aad guuldareysatey cadaadalana aad ka tagtey kitaabka illaahey ee lagugu dhaarinayana aad ilowdey.isla markaana dhalinyaradii reer soomaliland eed ka mid aheyd shaley adoo bilaa camal ahna aad mustaqbalkoodii madow gelisey markaas taasna ka digtoonow sxb….

3-   Waxaad u muujisey dhalinyarada soomliland in ay qalinkooda wax ku heli karaan ee ayna haybtooda waxxba ku heli doonin taas oo hadii aad ka dhabeyso xataa hadaad shaqadaada ku waayeyso waxaad baal dahaba ka geli doontaa adoo aad u da’yar taariikhda qaranka soomliland

4-   Sida wax loo dhisaa aad ayey u fududahey sxb gudoomiye lkn sida wax loo bur-buriyaa waa ay adagtahey hadaba, dhisideeduna mudo ayey qaadataa hadaba meesha laguu magaacaabey waa meel wax isdaba marintu aad ugu badantahey hadaba markaad is tidhaa hagaaji xanuun yar ayey yeelan doontaa dad aan cadaalada jecleyn ayaa kugu kici doona marka u samir oo u dul qaado inta ay wax weliba sidooda u toosayaan…

 



Wabilaahi tawfiiq


Nageeye Mohamed Hassan

Nageye353@gmail.com