Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Badhasaabkii Dhawaan Laga Soo Baddalay Gobolka Sool

0
Tuesday August 23, 2016 - 12:07:07 in by Burco Office
  • Visits: 1469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Badhasaabkii Dhawaan Laga Soo Baddalay Gobolka Sool

    Laascaanood(AFKA)Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro ayaa waxaa uu luuqaddii ugu adkeyd ugu jawaabey guddoomiyaha gobalka Sool Mustafe Shiine oo dhawaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood(AFKA)Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro ayaa waxaa uu luuqaddii ugu adkeyd ugu jawaabey guddoomiyaha gobalka Sool Mustafe Shiine oo dhawaan Madaxweynuhu u badalay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Ka dib Markii Badhasaabku uu madashii daahfurka diiwaangalinta gobalka Sool ku dhaliilay xisbiga Waddani oo uu sheegay in uu magaalada Laascanood olale ka bilaabey isla markaana calamo tiro badan magaalada la soo galay xisbigu.
Guddoomiye Cirro oo hadalkaasi badhasaabka aad uga gubtay ayaa Guddoomiyaha u sheegay in aanu garan sababta uu kaliya calanka WADDANI u arkay ee uu u arki waayay calanka KULMIYE ee meel walba lala ordayay. Hadalkiisuna aanu qiimo lahayn inta aanu sidan calanka Somaliland ee uu sito calanka KULMIYE oo aanu dadka dhex u noqon karin.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo arrinkaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Inkasta oo aanan jeclayn in aan cid u jawaabo oo aanan jeclayn sideedaba jawaabaha haddana kelmad aan ka idhaahdo hadalkii badhasaabka Gobolku halkan ka jeediyey. Badhasaabkii Gobolka ee dhawaan loo badalay Gobolka Awdal waxaan jecelahay in aan xasuusiyo in xisbiga WADDANI diyaar u yahay in uu ilaaliyo anshaxa, sharciga iyo xeerka u yaalla Somaliland. laakiin qofka wax sheegayaa waxa looga baahan yahay in uu isagu marka hore ilaaliyo anshaxa iyo sharcigaba. Badhasaab ayuu ka ahaa Gabilay oo waad garanaysaan keydka saxaafadda waxa laga helayaa isaga oo in ka badan 10 jeer u jawaabaya xisbiga WADDANI isaga oo badhasaab ah. Waxa uu yidhi shalay calamada WADDANI ayaa halkan magaalada Laascaanood lagu hayay laakiin indhahayga waxa aan ku arkay iyada oo la lulayo calamada KULMIYE. Indhaha uu kuwa WADDANI ku arkay waxa ay ahayd in uu kuwa KULMIYE na ku arko. Waxaan u sheegayaa badhasaabka marka uu isagu calanka KULMIYE dhigo ayaa hadalkiisuna qiimo yeelanayaa digniintiisuna qiimo yeelanaysaa. Inta uu isagu sito calanka KULMIYE ee aannu sidan kii Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu noqonayaa xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE, mana noqonayo dhex”.