wasiir cali mareexaan iyo xaaladda wiilkiisa iyo sagal ayaydeed iyo awogeed hooyo oo ka cawday cali mareexaan W/Q Abdisatar Abdilahi Ali

0
Wednesday August 24, 2016 - 14:32:51 in by Burco Office
  • Visits: 2145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wasiir cali mareexaan iyo xaaladda wiilkiisa iyo sagal ayaydeed iyo awogeed hooyo oo ka cawday cali mareexaan W/Q Abdisatar Abdilahi Ali

    Sawirkani waa muuqaal ka kooban afar qof oo kala ah maxamed cali xasan ' Mareexaan ' iyo labadiisii waalid iyo gabadh ay ilmaadeer yihiin sida sawirku mujinayo wiilka gadaal ka muuqda ee sita ookiyaalaha Madaw waa dhibbane xilligan waxa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirkani waa muuqaal ka kooban afar qof oo kala ah maxamed cali xasan ' Mareexaan ' iyo labadiisii waalid iyo gabadh ay ilmaadeer yihiin sida sawirku mujinayo wiilka gadaal ka muuqda ee sita ookiyaalaha Madaw waa dhibbane xilligan waxa uu ujiifa xanuun dhinaca kelyaha ah , dalka hindiya waxaa kelli u saaraysa sagal cabdi xasan oo ay wiilka ilmaadeer yihiin waxaa gabadhan dhalay Wasiir cali mareexaan nin ay walaalo yihiin


sagal waa inanta sawirkan u soo horaysa way ku qanacsantahay inay indrkeed usaarto kellideeda , iyada aabaheed wuu ku qanacsan yahay in inantiisu caawiso wiilka uu adeerka uyahay ,

labadan caruura labadooda aabo oo walaalo ah cali xasan iyo cabdi xasan ah ayaa ka heshiiyay, xaqna way uleeyihii, sababtoo ah iyagaa ka masuula katalinta masiirka ubadkooda ,

balse gabadhan sagal hooyadeed ma noola waxaa nool ayaydeed hooyo iyo awowgeed hooyo warbaahinta ayay lahadleen waxa ay welwel iyo walaac ka muujiyeen kana soo horjeesteen sagal iyo aabbeheed go'aankooda. iyagoo ku sababeeyay in ay Sagal ilmo yar tahay , weliba waxa ay intaas kudareen in ay sagal soo korsadeen geeridii kutimi sagal hooyadeed sidoo kale waxaa ay baaq udireen hay'adaha ilaaliya xuquuqal insaanka , si ay gacan usiiyaan .

Sidaa Silamida waxa ay eedo iyo aflagaado u jeediyeen wiilka kellida loosaarayo aabihii cali mareexaan balse maysoo hadal qaadin aabaha inanta dhalay , waa arin ubaahan in loo celiyo xagga sharciga amase xagga hidde dhaqameedka xeerbeegtidu maamusho, si jawaab loogu helo cabashada sagal ayaydeed iyo awowgeed

waxaa wararku sheegayaan in qaliinka wiilka iyo inantu fulayo maalamaha soo socda ,

ilaahay waxa aynu ka baryaynaa in labaduba badbaadaan oo caafimaadsan helaan ,

maanta waxa keliya ee ay u baahanyihiin labada caruuri waa duco sida ay ilatahay

Qalinkii Abdisatar Abdilahi Ali