Qaxoonti Badan Oo Ka Soo Qul-Qulaya Dalka Itoobiya Oo Ka Soo Talaabaya Xuduuda, Somaliland, Qaylo Dhaanta Shacabka Iyo Mooganaanta Xukuumadda

0
Saturday August 27, 2016 - 10:06:21 in by Burco Office
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxoonti Badan Oo Ka Soo Qul-Qulaya Dalka Itoobiya Oo Ka Soo Talaabaya Xuduuda, Somaliland, Qaylo Dhaanta Shacabka Iyo Mooganaanta Xukuumadda

    Hargeysa(AFKA)Qaxootigii ugu tirada badnaa ee ka soo yaacaya dagaaladda Dalka Itoobiya gudihiisa ka soo socda ayaa bishii u dambaysay si xawli ah ugu soo qul qulaya Somaliland iyagoo ka soo talaabaya Xuduudaha ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya,wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Qaxootigii ugu tirada badnaa ee ka soo yaacaya dagaaladda Dalka Itoobiya gudihiisa ka soo socda ayaa bishii u dambaysay si xawli ah ugu soo qul qulaya Somaliland iyagoo ka soo talaabaya Xuduudaha ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya,waxa ay Qaxoontigaasi intooda badan ku hakanayaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa halka ay qaar kale u dhaafayaan Dhinaca Dhulka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Illo-Wareedyo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay inay bishii u dambaysay ay tiradii ugu badnayd ee Qaxooti Itoobiyaan ahi ka soo gudbeen Xuduuda ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya kuwaasi sida la sheegay ka soo yaacaya kacdoonada ka socda Gudaha Dalka Itoobiya,waxa lagu sheegay dadkani oo ay u badan yihiin Dadka Qoomiyada Oromada ka soo jeeda kuwaasi oo ah dadka ugu tirada badan dalkaasi islamarkaana qayb ka ah kacdoonada dhiigu ku daaday ee ka socda Dalka Itoobiya. Waxa ay Qaxoontigani iskugu jiraan Dhalinyaro xoog ah,Xaasas iyo Caruur,waxaanay intooda badan ku sugan yihiin Caasimada Hargeysa iyadoo saxmadooda laga dareemayo goobaha ay Qaxoontiga Oromadu ka degan yihiin Hargeysa iyo goobaha ay ka shaqeeyaan oo ay aad u buux dhaafiyeen.
Qaar ka mid ah dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaaladda Hargeysa oo Wargeyska Foore la soo xidhiidhay ayaa walaac ka muujiyay saamaynta ay Dadkani Qaxootiga ahi ku keeni karaan Guud ahaa Xaaladda Somaliland,waxa ay dadkani u badan yihiin Nolol raadis waxaanay intooda badan ka soo yaaceen Kacdoonada dhiiggu ku daatay ee bilihii u dambeeyay dhex marayay Ciidamada Itoobiya iyo Dad shacab ah ka kacsan oo ka soo kala jeeda Qoomiyadaha Oromada iyo Axmaaradda ee dalkaasi ku dhaqan kuwaasi oo ah qoomiyadaha dhinaca Tirada ugu badan guud ahaan dadka ku dhaqan Dalka Itoobiya. Qaxootiga nolol Raadis ka ah ee Somaliland ka soo gala Xuduuda Dhinaca dalka Itoobiya oo markii horeba aad u badnaa ayay haddana kacdoonadda hadda ka socda Dalkaasi sii afar jibaareen soo galootiga Itoobiyaanka ee Hargeysa ku soo qul qulaya.
Laamaha Amniga iyo Laanta Socdaalka Somaliland ayaan habayaraateen wax dareen ah ka qabin qul qulka dadkan Qaxootiga ah ee bishii u dambaysay sida daadka Dalka ugu soo xeroonayay ee aan wax sharci ah sidan. Waxa jira Dirawaliin reer Somaliland oo wata Gaadiidka NOAH loo yaqaan oo ka baayac mustareeya soo Gurista dadkani Qaxootiga kuwaasi oo lacag adag ka qaata dadkan ay sharci daradda Dalka ku soo galinayaan. Waxa ay ka soo qaadaan Xuduuda Somaliland la leedahay Dalka Itoobiya,iyagoo si dhuumasho ah ku keena Magaaladda Hargeysa oo ay marka dambe qaarkood u dhaafaan Dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay uga soo tahriibaan Wadama Carabta. Waxa laga dhursugayaan Talaabada haboon ee ay Xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto Qaxoontigani Dalka aad u soo buuxdhaafiyay ee ka soo yaacaya Kacdoonadda Dalka Itoobiya ka socda.