Wiilasha Conte Oo Jaanta Isla Helay Iyadoo Chelsea Ay Garoonkeeda Ku Xaaqday Burnley Iyagoo Gaaray Guushii 3aad Ee Isku Xigta.

0
Saturday August 27, 2016 - 20:26:53 in by salman abdi
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilasha Conte Oo Jaanta Isla Helay Iyadoo Chelsea Ay Garoonkeeda Ku Xaaqday Burnley Iyagoo Gaaray Guushii 3aad Ee Isku Xigta.

    Kooxda Chelsea ayaa gaartay guusheedii 3aad ee seddex kulan oo la ciyaaray horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-0 ku dubteen kooxda Burnley oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge iyadoo tababare Antonio Conte uu ku bilowday horyaalka Premi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa gaartay guusheedii 3aad ee seddex kulan oo la ciyaaray horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-0 ku dubteen kooxda Burnley oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge iyadoo tababare Antonio Conte uu ku bilowday horyaalka Premier League si cajiib leh.
Macalinka Talyaaniga ayaa kaliya hal bedel ku sameeyay shaxdiisii isbuucii hore iyadoo Willian uu ku soo laabtay safka hore waxaana kursiga keydka u dhaadhacay Pedro, iyadoo Diego Costa mar kale lagu aaminay inuu hogaamiyo weerarka kooxda.

1a-v-Burnley-Premier-League

Chelsea ayaana si cajiib ah ku bilaabatay ciyaarta iyadoo hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 9aad markii Hazard uu kubad rogaal celis ah ka soo qaaday bartanka garoonka isagoo la soo dhexmaray ciyaartoy dhowr ah ka hor inta uusan shabaqa meel hoose ka dhex dhigin, waxaana ay aheyd gool uu si wacan uga soo shaqeeyay xiddiga reer Belgium.

Chelsea-v-Burnley-Premier-League

Blues ayaa dhan walba ka carcar badneyd kooxdii isbuucii hore ka soo badisay Liverpool ee Burnley iyagoo daqiiqado ka dib goolkoodii koowaad ku dhawaaday inay helaan goolka labaad markii karoos uu soo dhigay Willian uu cagta la helay Hazard laakiin waxaa xariiqda goosha ka soo badbaadiyay daafaca Mee.

Chelsea ayaana heshay goolka labaad ee ciyaarta daqiiqadii 42aad markii uu Willian kubada ku helay dhanka bidix, waxa uu qaboojiyay Ward ka hor inta uusan darbo ka dhex bixinin lugaha daafaca iyadoo ay sii dhaaftay goolhaye Heaton, waxaana hogaan ay u qalmeen ay ka dhiteen 2-0, qeybtii horena sidaasi ayaa lagu kala nastay.

premier-league-football-eden-hazard-chelsea-burnley_3773630

Qeybtii labaad fursadaha waxaa intooda badan iska lahaa kooxda Chelsea iyadoo Diego Costa iyo Eden Hazard ay dhowr jeer ku dhawaadeen inay shabaqa soo taabtaan laakiin difaacashada adag ee Burnley iyo nasiibka ayaa ka weecday. Xitaa Batshuayi oo bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta ayaa laga beeniyay fursad fiican.