Hinaasaha Dumarka Adduunka Oo La Odaagay Waxay Isaga Midka Yihiin.

0
Sunday August 28, 2016 - 11:43:44 in by Burco Office
  • Visits: 2110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hinaasaha Dumarka Adduunka Oo La Odaagay Waxay Isaga Midka Yihiin.

    Tiro koob dib loo raacay ficillada ugu horreeyey ama soo noqnoqday ee dumar kala duwani waqtiyo aad u kala fog ku kaceen xilli ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiro koob dib loo raacay ficillada ugu horreeyey ama soo noqnoqday ee dumar kala duwani waqtiyo aad u kala fog ku kaceen xilli ay

saygooda ka hinaaseen ayaa lagu ogaaday in waxa ugu horreeya ee ay gabadhu ciilka kula dhacdaa uu yahay in ay burburiso muraayadaha baabuurka ninkeeda ay ka hinaastay.

witness-car-accident-post

Arrintaas oo in kasta oo aan sabab rasmi ah loo helin ay khubarada qaar ku sheegeen, gabadha oo og in raggu baabuurta jecel yihiin sidaa awgeed ay doonayso in ay si nafsi ah u xanuunjiso iyo baabuurka oo qiimihiisu qaali yahay oo ay doonayso in ay dhibaato dhaqaale gaadhsiiso.

Dhacdooyinka arrintaas ka maragga ah oo si joogto ah uga dhacda duniga, weliba dalal iyo ummado aad dhaqannadooda iyo hab-nololeedkoodu u kala duwan yahay.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay arrintan u soo daliishatay dhacdooyin meelo kala duwan oo dunida ah ka dhacay oo ay ka mid tahay, qisada gabadh Sucuudi ah oo ninkeeda oo ay ka hinaastay inta ay gaadhigiisa isaga oo aan ogeyn kaxaysatay, ay ku soo dhufatay guriga ay deggenayd xaaskiisa cusub oo ay hore u soo aragtay.

Khubaro ku xeeldheer arrimaha bulshada oo arrintan isku hawlay ayaa sheegay in sahamin iyo baadhitaan ay sameeyeen ay ku xaqiiqsadeen in dumarku marka ay ninka ka hinaasaan waxa ugu horreeya ee ay xasuustaan uu gaadhiga yahay, iyaga o o tusaale yaal kalana u soo qaatay, gabadh reer Baraasiil ah oo inta ay ogaatay odaygeeda oo gabadh kale hoos u wada, ay qaadatay kuus dhagxaan ah, kadibna inta ay gaadhigiisa dusha sare uga baxday ay dhagaxaan ku burburisay meel kasta oo muraayad ah iyo xitaa meelaha kale ee ay nabarrada gaadhsiin karto. Arrintan oo meel fagaare ah ka dhacday ayaa timid markii gabadhani ay timid hudheel cunto oo ninkeeda iyo gabadh uu xidhiidh ka dhexeeyey ka cuntaynayaan gaadhiguna bannaanka u yaallo.

Dalka China ayaa isna la sheegay in gabadh hinaastay ay burburisay muraayadaha gaadhigiisa kadib markii ay ogaatay in uu caashaqsan yahay gabadh kale. Gabadhani weliba waxa ay dumarka kale dheerayd in ay quraarado ku jebisay gaadhigan oo aakhirkii gaadhiga oo burburay laga kaxeeyey iyada oo gacmaha dhiiggu ka hooray.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in dad badan oo ay khubaradani wax ka weydiiyeen arrintan, ay dhammaantood isu raaceenin dhib kasta oo ka timaadda haddana ay tahay habka ugu habboon ee ay gabadhu kaga aargoosan karto ninkaiyada oo aan naftiisa dhib u geysan.