Makhaayad Ku Taala Dalka Fransiiska Oo Laga Caydhiyey Dadka Muslimka Ah,

0
Monday August 29, 2016 - 17:38:08 in by salman abdi
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Makhaayad Ku Taala Dalka Fransiiska Oo Laga Caydhiyey Dadka Muslimka Ah,

    Makhaayad Ku Taala Dalka Fransiiska Oo Laga Mamnuucay Dadka Muslimka Ah, Bulshada isticmaala baraha warbaahinta ayaa muujiyey xanaaq ka dib markiifidiyoow muuqaal ah la galiyay internetka kaasoo muujinaya laba dumar oo Muslim ah dalka Fransiiska loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Makhaayad Ku Taala Dalka Fransiiska Oo Laga Mamnuucay Dadka Muslimka Ah, Bulshada isticmaala baraha warbaahinta ayaa muujiyey xanaaq ka dib markiifidiyoow muuqaal ah la galiyay internetka kaasoo muujinaya laba dumar oo Muslim ah dalka Fransiiska loo sheegay in ay ka baxaan makhaayad oo markaa lagu soo waramayaa in milkiilaha, goobtaasi ugu yeeray dhammaan Muslimiinta "argagixiso".

"Argagixisadu waa Muslimiinta, Muslimiinta oo dhan waa argagixiso. Taa ayaa cadeeneesa,ayuu ninka ku yidhifiidiyoowga la sii daayay axadii.

Dhacdadan ayaa lagu soo waramayaa in ay xili habeen ah ka dhacday makhaayad lagu magacaabo Le Cenacle ee deegaanka Tremblay-agagaarka caasimada Paris ee dalka-France, .

"Dadka idinka noociina ah, dooni maayo inaan halkan ku arko," ayuu hadalkiisa raaciyay, milkiilaha "oo u sheegay markaasi in makhaayada isaga baxaan.

" Haweenka , mid ka mid ah oo kasoo muuqatay fiidiyowgii oo xidhan xijaab, ayaa u sheegtay inay baxayaan.

Warar ka soo baxaya France ayaa sheegaya in ninkaasi uu markii danbe raali galin bixiyay ka dib markii koox ka mid ah dadka dhallinyarada ah iyo xubno ka mid ah bulshada Muslimiinta ee degaanka, kuwaas oo isugu soo baxeen banaanka makhaayada Le Cenacle si ay u weyddiiyaan inuu sharaxo hadaladiisa.

milkiilaha ayaa lagu soo waramayaa inuu sheegay in mid ka mid ah asxaabtiisa uu ku dhintay weerarkii lagu qaaday hoolka xafladaha Bataclan ee bishii November 2015.

Si kastaba fariin uu boga Twitterka, ku qoray wasiirka Faransiiska ee qoysaska, carruurta iyo xuquuqda haweenka Laurence Rossignol, , ayaa sheegtay in ay amartay baaritaan oo ku baaqday in talaabo laga qaado" dadka dabeecadaha noocaas oo kale oo aan loo dulqaadan karin" falka uu sameeyay milkiilaha makhaayada,