Xukuumadda Somaliland Oo Codsi Aqoonsi Raadin Ah U Gudbisay Dawladda Masara Iyo Warbaahinta Carabta Oo Ka Hadashay.

0
Tuesday August 30, 2016 - 15:27:46 in by Burco Office
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Codsi Aqoonsi Raadin Ah U Gudbisay Dawladda Masara Iyo Warbaahinta Carabta Oo Ka Hadashay.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u gudbiyey Dowladda Masar codsi la xidhiidha sidii ay u aqoonsan lahaayeen Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u gudbiyey Dowladda Masar codsi la xidhiidha sidii ay u aqoonsan lahaayeen Somaliland.

Wasiirka ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqay Kulan uu Axaddii todobaadkan magaalladda Qaahira kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar Dr. Samiix Shukri, sida ay baahisay Warbaahin laga leeyahay dalalka carabta gaar ahaan dalkaasi Masar.

Labada Mas’uul waxay kaloo ka wada hadleen halka ay marayaan Wada-hadaladii u socday Dowladda Federalka Somalia iyo Somaliland, kaasi oo soo bilowday sannadkii 2012-kii iyo Xaalladaha Gudaha ee Somaliland.

Kulankaasi waxaa kaloo lagu soo qaaday Aragtida Gooni-isku-taagga Somaliland ee ay ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii, inkasta oo aanay jirin Dowlad weli aqoonsatay Somaliland.

Dowladda Masar wax war ah kama soo saarin Codsiga ay Somaliland u soo gudbisay sidoo kalena ma jiro war dhinaca Somaliland ah oo ka soo baxay kulankaas.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Sacad Cali Shire iyo Wafdigiisa ayaa gelinkii dambe ee Axadda ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira, kadib markii ay dhamaysteen Socdaalkii ay ku joogeen dalka Masar.