Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Safaaradda Shiinaha Ee Dalka Kyrgyzstan.

0
Wednesday August 31, 2016 - 08:25:31 in by Burco Office
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Safaaradda Shiinaha Ee Dalka Kyrgyzstan.

    (AFKA-Bishek)-Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Safaaradda Shiinaha ee magaalada Bishek ee Caasimada dalka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha Aasiya, iyadoo qaraxan loo adeegsaday gaari uu waday qof naftii hure ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(AFKA-Bishek)-Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Safaaradda Shiinaha ee magaalada Bishek ee Caasimada dalka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha Aasiya, iyadoo qaraxan loo adeegsaday gaari uu waday qof naftii hure ah.

Mas’uuliyiinta dalkaKyrgyzstan ayaa sheegay in qaraxan uu ku dhintay hal qof oo ahaa darawalkii waday gaariga, halka saddex kale oo u dhashay Kyrgyzstan ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa cambaareysay weerarkan oo ahaa ficil argagixiso, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay ilinka hore ee albaabka Safaaradda, waxaa soo daatay muraayadihii iyo daaqadihii dhismaha safaarada.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan oo noqonaya kii u horeeyay noociisa ee lagu qaaday safaaradaha ajnabiga ee ku yaala dalkaKyrgyzstan.