Puntland Oo Shaacisay Magacyada Shan Xubnood Oo Ay Ku Sheegtay Maskaxdii Qorsheysay Qaraxii Gaalkacayo.

0
Wednesday August 31, 2016 - 08:35:05 in by Burco Office
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Shaacisay Magacyada Shan Xubnood Oo Ay Ku Sheegtay Maskaxdii Qorsheysay Qaraxii Gaalkacayo.

    (AFKA-Garoowe)-Maamul-gobolleedka Bariga Soomaaliya Ee Puntland, ayaa maalintii shalay soo bandhigay magacyada shan xubnood oo kamid ahaa kooxo ay sheegeen in ay ka dembeeyeen qaraxyadii dhiig badan daadiyey ee laba toddobaad ka hor ka dhacay magaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(AFKA-Garoowe)-Maamul-gobolleedka Bariga Soomaaliya Ee Puntland, ayaa maalintii shalay soo bandhigay magacyada shan xubnood oo kamid ahaa kooxo ay sheegeen in ay ka dembeeyeen qaraxyadii dhiig badan daadiyey ee laba toddobaad ka hor ka dhacay magaallada Gaal-kacayo ee gobolka Mudug.

Xubnahan ayaa Maamulka Puntland sheegay in baadhitaan dheer oo ay hay’adahooda Ammaanku ku baadhayeen ciddii ka dembeysay ama ku lug lahayd qaraxaasi kadib ay ku xaqiijiyeen in shantan xubnood oo ay magacyadooda iyo deegaannada ay ka soo kala jeedaanba shaaciyeen ahaayeen maskaxdii hagaysay sidii qaraxu u fuli lahaa, hase yeeshee Waxaa uu maamulka Puntland ka codsaday dadweynaha deegaanku in ay hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnahan oo ay tilmaameen in ay Alshabaab u qaabilsanaayeen gobolkaas. War qoraal ah oo lagu faafiyey barta internetka ee Hiiraan Online oo Wargeyska HUBAAL ka soo xigtay warkan ayaa lagu shaaciyey magacyada, da’da iyo weliba deegaannada ay beel ahaan u dhasheen shantan xubnood, kuwaas oo kala ahaa sida tan:

  1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano "BINU MAXAMED”Da’diisa:40-45 sanno jir. Ku dhashay Gaalkacyo. una dhashayBeesha[Majeerteen], [Jilibka] Cumar Maxamuud, [Jufada] Reer Mahad.Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

  2. Nuur Maxamed Cabdillaahi ama Nuur Cabdillaahi Diini oo loo yaqaano "NUUR DEEQ”Da’diisa: 45 sanno jir. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.Beeshiisa: [Hawiye], [Jilibka] Sacad, [Jufada] Reer Hilowle.Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo Dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

  3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf, Ku dhashay: Gobolka Mudug.Beeshiisa: Dir/ Qubeys.

  4. Cabdishakuur Mire. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.

  5. Muxiyadiin Dakharre. Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale, Waxaanu warbixinta lagu soo gudbiyay magaca qofkii isku qarxiyey xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo 21-kii August, 2016-ka, kaasoo gaadhigii qaraxa geystay oo noociisu ahaa Noaha watay. Ninkan ayaa isagana warbixintu ay magaciisa ku sheegtay: Cabdillaahi-Fanax, Da’diisa: 22 Sanno jir.Ku dhashayCeel-waaq ,Beeshiisa: Marreexaan/ Uur-midig.

Sida laga warqabao qaraxan oo Falkaas oo lala beegsaday xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo 21-kii August, 2016-ka ayaa ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay hanti tiro badan ku burburtay, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda alshabaab.